Ahmed Siilaanyo oo aad ugu nuux nuusaday in uu caddaaladda dalka soo xero gelin doono .

Waxa Daabacay on Dec 6th, 2012 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

“Wuxuu Muddo shan Bilood Ku dhow War-bixin Ka Sugayaa Wasiirro Uu U Saaray Daraasaynta Khaladaadka Ku Jira Hay’addaha Garsoorka Dalka”

Hargeysa (Waaheen) – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay Muhiimadda Caddaaladu u leedahay qaranka Somaliland iyo umaddaba iyo sida ay xukuumaddiisa uga go’an tahay inay Caddaalad dalka wax ka qabato.

Madaxwayne Siilaanyo oo lagu tilmaamo shakhsi neceb Caddaalad daradda isla-markaana go’aanadiisa ay ka mid tahay inuu dhiso dawlad ku shaqeynta Caddaaladu udub dhexaad u tahay, balse gacan-yarayaashiisu aanay la mowqif arintaasi ka ahayn, ayaa intii uu xilka hayey markii saddexaad ka hadlay Caddaalada iyo sida uu ugu hamiyayo inuu hagaajiyo, kuna dedaalo in shacabku dareemaan in Caddaaladii dalku hoosta ka soo dhismayso.

Madaxwayne Siilaanyo oo shalay dhagax dhigay dhisme laba dabaq ah oo Wasaaradda Caddaaladu yeelanayso, ayaa muujiyey sida uu ugu fikirayo inuu saxo khaladaadka ku jira hay’addaha Garsoorka qaranka.

Madaxwayne Siilaanyo, waxa uu tilmaamay inay hore u balan-qaadeen inay Caddaalada hagaajiyaan, dhismaha uu dhagax dhigayna ka mid yahay tallaabooyinka lagu hagaajinayo Caddaalada, isaga oo xusay in umaddu u baahan tahay in Caddaalada maamulkeeda la hagaajiyo.

Madaxwayne Siilaanyo oo arimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi  “Cadaalladda meesha loogu shaqaynayo, dhismaheeda iyo maamulkeedaba waa waxyaabaha ugu waaweyn ee dalka iyo ummadduba u baahan tahay in wax laga qabto”

Madaxwayne Siilaanyo, waxa uu tilmaamay inay hore u balan-qaadeen inay hagaajiyaan Caddaalada “Hore ayaanu u balan qaadnay in hawshaasi caddaaladda wixii aanu ka tari karno ka tarno”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo tilmaamaya in dhismahani ka mid yahay waxyaabaha Caddaalada lagu hagaajinayo  “Tani (dhismaha uu dhagax dhigay) waxay ka mid tahay tallaabooyinka ugu horeeyay ee dawladdu qaado ee wax ka qabashadda caddaaladda”

Madaxwayne Siilaanyo oo sheegay inay wax ka qabanayaan Caddaalad darada dalka ka jirta, ayaa haddana muddo shan bilood ku siman war-bixin ka sugaya guddi Wasiirro ah oo uu mudadaasi ka hor u saaray inay soo daraaseeyaan khaladaadka ka jira hay’addaha garsoorka si marka daraasadaasi la hello loo qaadi karo tallaabooyin wax lagaga qabanayo.

Guddida Wasiirrada ah oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirrada Hawlaha guud, Caddaalada, qorshaynta iyo kuwo kale ayaa ilaa mudadaasi aan laga maqal wax hadal ah oo la xidhiidha hawsha Madaxwaynuhu u idmaday, taasi oo muujinaysa inay ka cago jiidayaan inay Madaxwaynaha wax kala qabtaan hawlaha uu Caddaalada dalka ku saxayo.

 


This post has been viewed 700 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal