Aniga oo ku hadlaya magaca qurba joogga beelweynta Reer Nuur, waxa aan bogaadin iyo hambalyo u dirayaa xisbiyadii, ururradii yio musharrixiintii ka qayb qaadatay doorashadii degaanka ee ka qabsoontay Somaliland. Gaar ahaanna waxa aan aad u soo dhaweynayaa sida ay uga qabsoontay gobollada Awdal, Salal iyo Gebilay.
Sida magacuba qeexayo, golaha degaanku waa astaanta iyo muraayadda laga arki karo bulshada ku dhaqan degaan kasta oo dhulka ka mid ah; sidaa awgeed natiijada ka soo baxday doorashada deegaanada Baki,Borama,Saylac iyo Lughaya waxa ay daaha ka feyday guul dhamaystirmi doonta hase yeeshee iftiimisay in runta cagta lala helay.
Guud ahaan iyo gaar ahaanba Ilaahay baa mahadda iska leh waxanse hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi Karin hawada u marinayaa siyaasadda doorashada lagu galay iyo bulshada reer Awdal ee sida turxaan la’aanta ah safka kaliya ugu wada galay inay codkooda u dhiibtaan si xor ah, isla markaana ku qancay natiijadii codadkooda iyagoo nabadgalyadana aad ugu dadaalay.
Anigoo sida aan kor ku sheegay ku hadlaya magaca qurbejoogga beelaha Reer Nuur iyo kaygaba waxan salaan, hambalyo iyo bogaadinba hawada iyo warbaahinta u marinayaa dhammaan xildhibaannada ku guulaystay xubinnimada golayaasha degaanka ee degmooyinka Somaliland gaar ahaanna Baki, Borama, Saylac iyo Lughaya, Gebilay. Waxa kale oo aan iyagana guul u rajeynaynaa murashixiinta deegaanada Hargeysa oo natiijadooda la sugayo.
Gudoomiyaha Gudiga Qurbo-Jooga Reer Nour.
This post has been viewed 1010 times.








