Natiijada Codadka Ansaxey Gebilay oo la Shaaciyey iyo Sida Asxaabtu Kuraasta u Kala Heleen
Awdalpress – Hargeisa– Tirintii iyo hubintii codadka ansaxey ee Gebilay ayaa shalay la soo gebegbeeyay ,Yeelkeede waxaa lagu wargeliyey wakiilada Axsaabtu inaanay shaacin natiijada ilaa saaka sagaalka subaxnimo balse Komishinka Gebilay ku dhawaaqi doonaan, Hase yeeshee Koobi ka mid ah Nuquladii Natiijada codadka iyo kuraasta oo Axsaabta iyo Komishinku wada saxeexeen oo ay ku xardhan yihiin Natiijada iyo sida Axsaabtu u kala heleen 21 Kursi ee Gabiley lagu tartamaayey ayaa soo gaadhay xafiiska Shebekada Qarannews hargeisa. Sida Axsaabtu kuraasta u kala heleena waa sida tan hoos ku qoran.
1-kaalinta kowaad Xisbiga Kulmiye oo Helay 7 Kursi
2-kaalinta Labaadna Xisbiga Ucid oo helay 5 Kursi
3-Kaalinta Sadexaadna Ururka Wadani oo helay 4 Kursi
4-Kaalinta Afraadna Ururka Dalsan oo helay 2 Kursi
5-kaalinta Shanaadna Ururka Rays oo helay 2 Kursi.
6-kaalinta Lixaadna Ururka Dalsan oo helay 1 Kursi.
Urur siyaasadeedka Umadda ayaan isagu wax kuraasa ka calfan Gabiley!.
Qarannews
Hargeisa
This post has been viewed 541 times.








