Faaqidaadda beelaha Somaliland iyo sida ay u qaybsan yihiin.

Waxa Daabacay on Dec 5th, 2012 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Tiir dhexaadka dhaqanka Somaliland waa qabiil, waxana wax lagu qaybsadaa hayb qabiil, laakiin qaybtaasi maaha mid sax ah, sababtuna waxa ay u dhacdaa aqoon darri aan beelaha iyo mudankooda la kala aqoon. Saami qaybsiga dawladnimana meesha ay ka qaldamaysaa waa halkaa. Sidaasi daraaddeed, mar haddii aan dayn weynay sheekada qabiil waxa ay naga fursan weydey in aan faaqidaaddeeda gallo. Si aan akhristayaasha ugu ban dhigno haybta qabiil ee saxa Badi marka la eego, waxa la tilmaamaa HABAR AWAL….oo u kala baxa Essa Muuse iyo Sacad Muuse. Labadan Jilibna waxa badan Sacad Muuse oo u kala baxa:

  • Abdurahman Sacad waa jilib aad u yar ismana kala saar saari karaan.
  • Abdalla Sacad isma kala saar saaraan, waayo cududdooda ayaan qaybsami karin.
  • Isaaq Sacad waxa badiyey Makahil Isaaq oo tarmay, una kala baxay Aboker Makahil iyo Hassan Makahil.
  • Abokor Isaaq ayaa isagu intaba u xoog sheegtay, waxana ay dhinaca galbeedka tirada ku tartamaan beelaha reer Nuur oo aad u tiro badan, waxana ay u sii kala baxaan:
  1. Jibril Abokor oo reer qodaal ah ayaa is bida in uu ugu badan yahay, gaar ahaan reer Yoonis oo isagu aad uga batay reer Cumarka kale.
  2. Hussein Abokor oo wakhtiyadii hore la sheegi jiray in uu ugu badan yahay ayaan immiga aad u muuqan, waxana ugu badan Jibril Hussein gaar ahaan Ismail Jibril. Reer Samatar ayaase tirada badan ee beesha loo oggol yahay. Waxase lagu xantaa in ay ay reer baadiye u badan yihiin.
  3. Abdalla Abokor waxa itaalkoodu jiraa marka ay Abdalla Abokor yihiin ismana kala saar saaraan.
  4. Ugaadh Abokor aad ayuu u yar yahay, waana hal baaho.

La soco qaybta dambe oo aan ku soo qaadan doonno Habar Yoonis Awdalpress.com

Awdalpress.com


This post has been viewed 1060 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Awdal Media by S R H