Ma aha markii ugu horreysey ee ay doorasho ka dhacdo Somaliland amma Somalia, waxana ay doorasha maantu la mid tahay kuwii lixdannadii ka dhici jiray Somaliya, taasi waxa aan ula jeednaa marka la is bar bar dhigo habka beelaha Somaliland u tartamayaan. Wakhtiganna waxa muuqata in shaxdii siyaasadda ee beelaha Somaliland doorashada ku galeen ay ahayd mid si fiican looga soo shaqeeyey.
Sida dhaqanka Somaliland yahayna waxa ay doorashadu ku salaysan tahay beelo iyo jufo jufo. Waxana muuqata in immiga ay kala caddaatay sida beeluhu u kala heleen doorashada, waxase weli la huursanayaa magaalooyinka Hargeysa, Gebilay, Berbera iyo Burco oo aan lagu dhawaaqin tiradii la kala helay. Mala awaalkuse waa cad yahay.
Haddaba marka laga soo tago xisbul xaakimka oo ay qolo walliba meesaan ku darsatay si haddii ay khayaamo u dhacdo aan loo khayaamayn, ayaa la sheegayaa in uruka Waddani oo muujiyey cududdiisa qabiil uu kaalinta labaad ku jiro, iyada oo uu weliba sidaa la la qaybsaday beelaha uu taageerada ka helay. Halka ay UCIDna immiga u xafladaynayso in ay iman doonto kaalinta saddexaad. Waxana halkaa ku hadhay ururka Ummadda oo xoog muujiyey iyo ururka Xaqsoor oo isna xeelado hoose ciyaaray, balse haddii uu soo bixi lahaa ku faani lahaa haybta uu ka soo jeedo.
Si kastaba ha ahaatee, siyaasadda beelaysan ee ay doorashada degaanka Somaliland ku salaysan tahay ayaa ah mid taariikh reebaysa. Waxana lagu kala tartamayaa cidda gobolka amma degmada u badan, oo noqon doonta kuwa maamulka degmadaa amma gobolkaa looga dambeeyo taladiisa. Iyada oo xulitaanka mas’uuliyiintu aanay noqon karin reer hebel uun ka raadiya, laakiin loo baahan yahay ayaa ummadda wadi kara.
Isku soo wada xooriyoo marka codbixinta la dhammeeyo waxa aan akhristayaasha u soo gudbin doonnaa faallooyin aan ku qaadaa dhigi doonno, sida ay beelaha Somaliland u kala heleen codadka, oo aan beel beel iyo jufo jufo u soo qori doonno, sidii aan hore ugu soo qornay codbixintii Borama, Baki, Saylac iyo Lughaya.
Waxanan akhristayaasha ka codsanaynaa in ay naga caawiyaan sidii ay noogu soo gudbin lahaayeen warbixinno sax ah. Haddii Ilaaha awoodda lihi oggolaado.
Awdalpress.com
This post has been viewed 811 times.








