Awdalpress(Boorama) 02 Dec,12– Waxaa caawa 10;30PM dib loo bilaabay in la tiriyo sanduuqyo hore loo sheegay in lagu muransanaa codadkooda in lagu shubtay, kuwaas oo gees loo dhigay intii la tirinayaya sanduuqayada kale.
Shabakada Awdalpress mar ay ka war dooneen xafiiska tirintu ka socoto ee komishanka doorashada ee degmada Boorama ayaa waxa ay u xaqiijiyeen saraakiisha komishanka doorashada G/Awdal in tirintii sanduuqyadaasi la bilaabay, isla markaana sanduuqyadaasi ay codad ku yeesheen ururada oo dhan markii la hubiyay, waxa kale oo ay sheegeen in ay caawa soo gabagabayn doonaan tirinta codadkaasi degmada Boorama.
Komishanka G/Awdal waxa kale oo ay beeniyeen warar sheegayay in uu Boorama yimid gudoomiyaha komsiahanka SOmalilan Ciise Xamari, waxa kale oo ay u xaqiijiyeen Awdalpress masuuliyiintaasi in aanay jirin dacwad ka dhan ah sanduuqyadaasi oo loo soo gudbiyay, balse ay jireen cabasho ururada qaar tilmaameen. taasina hada ay ka heshiiyeen xubnaha ururada ee ku sugan goobta cod tirinta.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in indhaha ururada tartanka doorashada galay ay diirada ku hayaan natiijada ka soo bxi doonta tirinta sanduuqyada Boorama, kuwaas oo noqday gobolka kala saari doona ururada u tartamaya Asxaabta siyaasada.
Awdalpress
This post has been viewed 885 times.








