Awdalpress – London – Sida aan ka warqabno waxa Somaliland ka dhacday doorasho loogu tartamayey golayaasha degaanka ee gobollada iyo degmooyinka, waxana u tartamayey musharrixiin ka soo kala jeeda jufooyinka iyo beelaha walaalaha ah ee wada dega. Kuwaasi oo dhinaca kale u kala tartamayey xisbiyo iyo ururro siyaasadeed ee raba in ay u soo baxaan hoggaaminta dalka. Waxana ay doorashadaasi u qabsoontay si nabad gelyo ah.
Haddaba wakhtigii ololaha doorashooyinka oo xuuraanku ahaa hayb qabiil iyo haddii aan nahay reer hebel ayaa qolo wal iyo beel walliba gacanta gelisay xubnaha uga qayb galaya doorashada. Waxana meel kasta ka dhacday in soo xulista musharrixiintu ay gaadhay in tartanku noqdo illaa jilib hoose, oo oday walliba yidhaa reerkayagu hadhi maayo. Taasi oo keentay in beelihii qaar is cunaan oo cidiba ka soo bixi weydo. Laakiin beelaha sida mandiqa ah u xisaabtamay waxa ay ku guulaysteen in ay musharrixiintoodii soo saaraan.
Laakiin waxa iyana dhinac socotay khayaamo ay beelaha qaar hoosta ka wateen. Amma aan idhaahdee Xisbiyada amma Ururrada qaar ay hoosta ka magaleegayeen. Balse aan wada suuta gelin.
Calaa kulli xaal markii la soo gaadhay gabagabdii, waxa Saxaafadda Somaliland ay kala martay laba dariiq. Kuwaasi oo kala ah:
- Shabakada reer Awdal iyo Salal, waxa ay markiiba shaaciyeen sidii tartanku ahaa, oo aan la qarin, haddii ay tahay magacyada musharrixiinta, xisbiga amma ururka ay ka tirsan yihiin iyo weliba beelaha ay ka soo jeedaan. Laakiin shabakadaha laga maamulo, gobollada kale waxa ay doorbideen in ay shaaciyaan tirada ay xisbiyadu kala heleen oo kaliya. Xataa, waxa ay ku bakhayleen in ay sheegaan magacyada musharrixiinta.
- Markii ay shabakadaha galbeedka Somaliland ay wararka faah faahsan soo daayeen, waxa shacabkii guud ahaanba laga dareemay in ay xaqiiqadaa ku qancaan oo dabadeedna la isku hambalyeeyo. Taasina waxa ay caafimaad cusub dhex keentay shacabkii tartamayey, oo isku hanneeyey. Waxana markhaati ka ah sida wada jirka ah ee ay duqayda awdal iyo Salal shirkooda jaraa’id ku sheegeen.
Si kastaba ha ahaatee, ma la odhan karaa saxaafadaha reer Awdal iyo Salal way ka horraysaa amma run badan yihiin saxaafadaha kale ee reer Somaliland. Tusaale ahaan shabakadda Boramanews.com oo noqotay ta ugu daawashada badan. Halka ay Jamhuuriya tahay ta ugu daawashada yar caalamka.
Mise waxa la odhan karaa, saxaafadaha laga maamulo Gebilay iyo inta bari ka xigtaa, waxa ay qarinayaan amma hagoog saarayaan xaqiiqada, oo waxa ay qarinayaan waaqa jira, ee lagu kala qanci lahaa? Jawaabta waxan u dhaafayaa saxaafadaha.
Awdalpress.com
This post has been viewed 1073 times.








