Tirintii codbixinta oo soo af-jarantay iyo Gabboose oo jooga Borama.

Waxa Daabacay on Dec 2nd, 2012 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London – Wararka rasmiga ah ee naga soo gaadhaya magaalada Borama ayaa sheegaya in tirintii codka doorashada degaanka ee Arbacdii dalka ka qabsoontay ay soo af-jarantay, immigana la sugayo ku dhawaaqistii natiijada. Balse la saxayo khaladdaad ay tirsanayaan ururrada Ummadda iyo UCID, oo sheegaya xogo ku shubasho. Waxana wararku sheegayaan in lagu moransan yahay illaa iyo 5 sanduuq, halka dadka kale ay sheegayaan 11 sanduuq.

Si kastaba ha ahaatee, waxa magaalada Borama ku sugan guddoomiyaha ururka Ummadda iyo wafdi uu hoggaaminayo. Waxana la soo sheegayaa in ay dhici karto in la baabi’iyo sanaaduuqda la isku haysto.

Dhinaca kale ee Gebilay ayaa iyana la soo af-jaray tirintii codadka, sida warar xog ogaal ahi ay sheegayaanna waxa tiro badan helay Jilibyada reer Yoonis oo xoog ku muquuniyey beelihii kale. Wararka oo faah faahsanna waxa aad kala socon doontaan shabakadda awdalpress.com.

Si kastaba ha ahaatee, waxa maanta illaa barrito la sugayaa in natiijadii doorashada oo ay komishanku si sharciya ugu dhawaaqaan.

Awdalpress.com


This post has been viewed 1566 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal