Awdalpress – London – Xirsi waxa uu sheekada marinayey isaga oo sannadka dabayaaqadiisii bilaabay in sida ardayda kale uu magaalada u dhaadhaco, oo uu fursada soo qaato amma shaahiisa ka dalbado makhaayadda. Sidoo kale waxa uu innoo saray, waxbarashada cusub ee dalka ka bilaabantay, ee weliba schoolka Dilla ka bilaabmay. Waxana uu caddeeyey amma taariikhda ku qoran in waxbarashada wiilasha iyo gabdhaha school wada dhigtaa ay ka bilaabantay Dilla. Sababtuna ay ahayd maaddaama ay gabdhihii laba yihiin oo aan school gaar ah loo samayn karin in Sh. Omer Goth ( father of co-education in Somalia) uu arrintaa iyo waxbarashada Dillaba gacan weyn ka geystay.
Bal haddaba Xirsi oo sheekadii halkii innooga sii wada ayaa odhanaya, ‘ Dilli wakhtigaa waxa ay ahayd tuulo koraysa, waxana ay magaalo u ahayd inta u dhaxaysa Borama iyo Gebilay xataa wakhtigaa waxaan jirin Wajaale oo la odhan jiray Laanta-curdinka. Dhawr makhaayadood iyo macdaarra yar yar ayaa ganacsigu ahaa, xoolahana waa lagu kala iibsan jiray.
Makhaayadaha waxa wax ka cuni jiray dadka jid marka ah iyo safarrada magaalada u dhaxa. Waxa kale oo loo soo doonan jiray warka. Wakhtigaa aan sheegayey ee schoolka Dilla aan galayna waxa ay ahayd markii ugu horreysey ee aan idaacad hadlaysa arko oo aan dhageysto….oo Makhaayadda ugu weyn waxa yaallay Raadyoo, xilli kooban la dhageysto. Sida markii dambe aan ogaadayna qofka doonaya in uu dhageysto waxa uu dalban jiray koob shaah ah.
Marka Idaacadda la dhageysanayo dadku aad ayey ula yaabi jireen birtan hadlaysa, ragga qaar ayaa inta ay u dhawaadaan aad u fiirin jiray oo ka dhex eegi jiray in qof yari ku dhex jiro. Laakiin waxa magaalada joogay dad odayaal ah oo ilbax ahaa, oo iyagu hore u soo arkay Raadyow iyo wax la mid ah. Dee Sh. Omer Goth oo Qaahira joogayey ayaaba joogay. Waxa kale oo joogay odayaal ka soo qayb galay dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee dunida oo Yurub iyo Burma ka soo dagaallamay. Raggaasi waxa ay xataa soo arkeen TV-yo oo Raadyowgani layaab kuma ahayn.
Aniga Raadyoogaa iyo Gaadhiguba aad ayey iiga yaabiyeen wakhtigaa, laakiin carruur ayaan iska ahaayoo haddana waan iskala qabsaday, oo si caadi ah ayey ila ahaayeen. Inkasta oo aan urta Naafatada gaadhiga aad u necbaa, oo urtiisu ay si xun ila ahayd haddana waan iskala qabsaday markii dambe. Waxanse aad u daawan jiray marka uu gaadhigu dhaqaaqayo, ayaa kirishboygu inta uu ka daba ordo uu ku laabi jiray, anna waxan ka fekeri jiray haddii aan maalin uun sidaa yeelo.
Gaadhigii ayaa xiise ii qabtay, waxanan caadaystay in aan ku odro marka uu magaalada gaadhi yimaaddo, hoosta ayaanan ka geli jiray. Arday kale oo ila mid ahaydna way jireen. Waxanse ku qoslaa marka aan xasuusto sida aan uga baxsan jiray marka sheellaraha la qabto.
Waxa la soo gaadhay xilligii loogu tala galay in dugsiga la xidho, waxanay macallimiintii noo sheegeen in la qaadi doono wax Imtixaan la yidhaa….Imtixaan…maalintii la noo sheegayey aad ayaan ugu qosollay. Waayo Imtixaan waxan u naqaannay wax dhib badan oo kadeed ah….oo sida badan waxan isticmaalkeeda ka maqli jirnay waalidku marka ay wax dhibsadaan ayey odhan jireen waa maxay Imtixaankani.
Imtixaankii ayaan maalmo hadal haynay, oo aan ardayda is weydiin jirray sida uu noqonayo Imtixaankani. Macallimiintu noomay sharxin sida Imtixaanku yahay, oo malaha waxa ay moodayeen in aan garanayno. Qosolka aan ku qoslaynaana caadi ayuu u ahaayoo, wax walba waan ku qosli jiray. Dee malaha waxaba ay noo arki jireen dad badow ah, oo wax walba la yaabban….malaha sidaa ayaabay noqonaysaa.
La soco sheekada qaybteeda dambe.
Ahmedweli
This post has been viewed 931 times.








