Sheeko gaaban. ( qaybtii Labaad )

Waxa Daabacay on Nov 21st, 2012 and filed under Daily Somali News, Education. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London – Qaybtii hore waxa uu Xirsi ka sheekeeyey, bilowgii dugsiga iyo sidii uu wax u baran jiray…. waxana uu marayey, sida uu dugsiga u aado iyo in uu tartanka jecel yahay oo aanu wakhtigiisa meel  kale isaga lumin xilliga schoolka la joogo. Oo xataa aanu fursadda ( break time )  aanu magaalada u dhaadhicin.

Sida qaalibka ah ardayda marka biririfta la siiyo muddo saacad ah amma ku dhaw, waxa ardayda Dilla caado u ahayd in ay makhaayadaha u dhaadhacaan, oo ka baadiyaha ka yimid uu sahaydii yarayd ee cunnada ahayd ee uu sitay afka soo yara saaro, kii ganbo sitaana uu koob shaah ah ku soo dhufto. Ardayda magaalada ku noolina xaafadahooda ay u shaah tagaan amma wax la cuno u doontaan.

Laakiin bal aan Xirsi sheekadiisii ku noqonno, oo ha innooga sheekeeyo in xilliyadii dambe uu dhaqankii hore ee uu lahaa uun ku socdo iyo in uu sida ardayda la fasalka ah uu u breakto.

Xirsi oo sheekadii dib innoogu bilaabay waxa uu odhanayaa, ‘ Sannadkaasi intiisa badan waxbarasho mooyee, suuq iyo magaalo in aan tago midna kuma hammiyi jirin,  mana garanayn in aan magaalada wax uga baahanahay. Gaajo iyo harraadna imaba qaban jirin, oo sidaydaba, waxan ka soo jeedaa reer  xoola dhaqato iyo beeralay isugu jiray, uma baran in aan barqada iyo habeenkii wax ka dhexeeya wax cuno amma cabbo. Sidii aan qabatimay ayaanan ku socday. Oo marka aan reerka  ka soo cuno garaw  amma arabikhi ee aan galaan caana ahna soo cabbo, mararka qaarkoodna aan dooxa soo maro, ee aan biyo iyo gob ka soo ladaabto ayaan dugsiga iman jiray. Dee maba gaajoon jirin.

Calaa kulli xaal, gadaal ayaan ka ogaaday in ardayda aan isku dugsiga nahay ay cunto soo qaataan, oo ay makhaayadaha dhigtaan, kaddibna ay duhurkii iyo galabtii cunaan. Ciyaarta kubbadda iyo orodka oo aan aniga qorshahaba iigu jirin ayaa ay sheegi jireen in ay sameeyaan galabtii, taasi ayaanay cunnada u soo qaadan jireen. Waayo qofku marka uu ciyaar iyo nashaad badan sameeyo dabcan waa gaajoonayaa, oo tamar ayuu u baahan yahay, haddii aan wax la cuninna qofku itaal badan ma yeelanayo.

Si kastaba ha ahaatee, dabayaaqadii sannadka ayaan aniguna bilaabay ciyaartii iyo in aan sida saaxiibbaday soo qaato cunto, inta badanna shuurada ayaan aad u jeclaa amma heedda oo aan markiiba hore ugu gaajo beeli jiray. Garawga iyo qarmacda ilkaha ayaa igu daali jiray, oo waxa ay iiga baahnaayeen in aan wakhti badan raamsado. Shaah aan isaga dejiyana ma heli karayn, oo  reerkayagu ma awoodi kari jirin in aan maalin walba gambo soo qaato. Cid aan magaalada ka garanayey oo shaah ii shubtana maan aqoon. Balse waxan xasuustaa maalin uu oday magaalada joogay  I tohoyday ayuu minqaxwiga makhaayadda koob shaah ah iiga dalbay….qof wax I siiyey maalintaa ayaan xasuustaa.

Ardayda kuwo badan oo ila mid ahaa ayaa buuxay, oo dadka degaanku isku itaal ayey ahaayeen. Garasho ayaase qaarkood wax lagu siin jiray. Oo magaalada ayey ehel  ku lahaayeen.

Anigu kubbadda maan aqoon waxanse maqli jiray gucus, waxanan baadiyaha ku arki jiray carruur inta ay maydhax iyo dhar isku duuduubaan lugta ku dhufanaya…balse macallinka ciyaarta na baraa waxa uu maalin maalmaha ka mid ah noo keenay gucus weyn oo uu yidhi Kubbad ayaa la yidhaa, markuu noo sharxayey waan la yaabnay oo qaarkayo wayba ku qosleen. Markii  garoonka oo aan gufida si fiican looga gurin uu noo dhigayna waxa aan sidii geel kubbad loo dhigay u laadnay gufidii iyo geedihii…dhammaan ardaydayadii oo dhammi maalintaa way wada dhaawacmeen waxana lana wada keenay cusbatalka Borama. Macallinkii arrintaa goob joogga u ahaa waa nool yahay waxana la iigu sheegay in uu qurbaha joogo.

Ardayda aan isku fasalka nahay sida aan hore u soo sheegay waa rag waaweyn, oo qaarkood ay gadh leeyihiin, surwaalka gaaban marka aan xidhannana waxaba la dareemayey in ay niman labaatanka ku dhawba ay yihiin. Aniguse waan ka yaraa, oo fasalka kuwa ugu yar yar ayaan ku jiray. Quraankana waan soo dhigtay oo qof aan dhammaynine naguma jirin. Sidoo kale waxa fasalka nagu wehelinayey laba gabdhood, oo aan keligood loo furi karayn fasal u gaar ah. Waxana wakhtigaa bilowday waxbarashada gabdhaha iyo wiilashu ay isku dhex bartaan, waxana bilaabay Sh. Omer Goth, oo ahaa sheekha iyo aqoonyahanka degaanka ee aasaaska u ahaa dhismaha dugsiga. Maamulkii Maxmiyadda Ingiriiska ee wasaaradda waxbarashaduna isaga ayey kala tashan jireen.

Door fiican ayaa Sh. Omer Goth ka cayaaray waxbarashadii casriga ahayd ee wakhtigaa bilaabmaysey, waxana uu maalin kasta nagu soo booqan jiray schoolka, mararka qaarkoodna waxa uu na bari jiray sida schoolka wax loogu barto….muxaadaro ayuu noo jeedin jiray. Uu nagu barayo ahmiyadda waxbarashadu ay leedahay. Waa uu na kaalmayn jiray….

La soco qaybta dambe.

A Goth

 


This post has been viewed 911 times.

Categories: Daily Somali News, Education
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Awdal Media by S R H