Prof. Samatar: Ha is cunsiinnin weedhaha

Waxa Daabacay on Sep 17th, 2012 and filed under OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Download Abdirasaaq Xammaal.jpg (25.7 KB)

Marka hore waxaan hambalyo iyo tahniyad u dirayaa xildhibaanada reer Awdal ee ka tirsan golaha shacabka Soomaaliyeed kuwaasi oo doorashadii madaxtinimo ee dhawaan ka dhacdey magaalada Muqdisho muujiyey midnimo iyo muwaafaqo dhexdooda ah taas oo mudooyinkii u dambeeyey aan looga baran siyaasiyiinta reer Awdal gaar ahaan kuwa immika ku sugan amma ka shaqeeya gudaha magaalooyinka Borama iyo Hargeysa.

Xildhibaanadan waxey codkooda ku aaminneen oo ay si hagar la’aan ah u siiyeen Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka soo jeeda gobolka Awdal kanna mid ahaa labiyo labaatankii musharax ee ku loollamayey kursiga madaxtinimo ee ugu sareeya dalka Soomaaliya, nasiib xumo mudane Samatar waxa uu ku hadhey wareegii koowaad kadib markii uu helley siddeed cod oo kaliya.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar waa aqoonyahan weyn oo aad looga yaqaanno gudaha dalka iyo dibadiisa, muddo shan iyo labaatan sanno ka badan ayuu darsayey oo uu falanqeynayey mashaakilaadka haysta amma ku habsadey ummadda Soomaaliyeed, waxaana la tilmaamaa isaguna qawl ku cadeeyey in uu arrimahaas uu ka qorey illaa shan buug oo isugu jira wixii soo marey soomaalida, waxa immika ay ku sagan yihiin iyo waliba cabirka waxyaabaha mustaqbalka ku soo socda dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Musharaxnimada Prof Samatar dad badan oo soomaali ahi waxey u arkayeen fursad dahab ah oo u baahan in laga faa’iideysto taas oo timmid wakhti bulshada iyo baladka Soomaaliyeed ugu baahi badan yihiin in la hello hoggaan daacad ah, wadani ah, qabyaalada aan ku dhaqmin, aqoon buuxda leh korkiisana ay ka muuqato kartida iyo hufnaanta siyaasadeed ee uu wax ku maamuli karo taas oo damiirkiisu farayo gudashada waajibaadka saaran wakhti xaadirkan lagu jiro isla markaana ay ka dhab tahay jaceylka iyo kalgacalka uu u qabbo magaca iyo midnimadda Soomaaliweyn.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu musharax u ahaa xisbiga Hiil Qaran oo u ka yahay xubin buuxda oo waliba fir fircoon, markii la soo xullayey xubnaha baarlamaanka ummadda soomalaiyeed waxaa Samatar afkiisa laga hayaa “Hiil Qaran waxa uu ku daddaalayaa sidii uu kuraasta baarlamaanka u helli lahaa xubno badan oo maalinta doorashada tartanka ku gelli karno” Ma garan karno inta xubnood ee uu maanta xisbiga Hiil Qaran ku leeyahay baarlamaanka laakiin waxaan jecelahay in aan labbo qoddob ka yidhaahdo guuldarada soo
gaadhey Samatar iyo xisbigiisa Hiil Qaran.

1- Haddii xisbiga Hiil Qaran kuraas ku leeyahay baarlamaanka xubnahaasina sidda muuqata aaney u coddeyn Samatar waxa uu xisbiga Hiil Qaran ku sifiibayaa kalmadii uu yidhi maalintii xisbiga lagu dhawaaqey farshaxanka caanka ah ee Aminarts oo aheyd Hiil Qaran maahee waa Hiil Qabiil taasna waxaa caddeyn buuxda u ah siddeeda cod ee Samatar ka helley doorashada oo aan ahayn siddeed kursi amma cod oo uu iska leeyahay xisbiga Hiil Qaran.

2- Haddiiba xisbiga Hiil Qaran uu wax kuraas ah maanta ku lahayn baarlamaanka soomaaliyeed ee ka kooban 275 xubnood waxaan qabaa in aan xisbiga Hiil Qaran aheyn xisbi la taageero oo la isku haleyn karro barnaamijkiisa siyaasadeed ee mustaqbalka isla markaana Axmed Ismaaciil Samatar mudan yahay in uu si deg deg ah iskaga casilo xubinimadda uu ka yahay xisbigaas Hiil Qaran.

Si kastaba ha ahaatee su’aasha isweydiinta mudan waxa weeyi maanta iyo Samatar maxaa la gudboon? Samatarow markii aad jagadda maddaxweynaha soomaaliyeed isku sharaxdey dadka qaar baa daacad kuu taageerayey oo tamar iyo taagba kulla garab joogey, qaar baa in aad guuldareysato geed dheer iyo mid gaabanba u fuuley, qaar kale oo ku jecelna dal shisheeyey kaa jireen fursaduna waxey u saamixi weydey in ay Muqdisho kugu soo booqdaan oo ay barbarkaaga joogsadaan kuwaasi oo aan anigu kow ka ahaa.

Samatarow guuldaradii ku halleeshey wax badan bey bildhaamisey, arrimo hoosta ka dadnaa ayey daaha sare ka faydey waxaase adiga maanta kulla gudboon inaad tiriso oo aad ku tiraabto murtidii Xaaji Axmed Gabey Xaddi ee faraxshanimada, garasho-dheerida iyo wacyiga durugsan dugsaneysey taas oo tilmaam cad ka bixineysa qolo kaste oo qeybahaas aan korka ku soo xusney ka mid ahi waxa ay maanta kaa mudan yihiin.

Bowdada markii aan ka jabay, boqonka taaggiisa
Habeenkiiba waa i bidhan lahaa, bahalkii cawlnaaye
Raggii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni

Bah-Cillaamo goortay dhammaan, iga dul booyaysey
Bah-Sadhaysna “baga” inay i tidhi, beerka ka ogsooni

Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey
Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni

Ninkii Belad shisheeye iga jiray, ee soo bixi waayey
Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni

Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu
Haddii uu biixiyaha Eebbahay ,isugu kay  beego

Abaal badh ah abaal bur ah  abaal bur iyo dheeraad ah
Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni .

Samarow ogsoonow abaalkaa ragga tolkaa kuu galley ee ay ginnida lacagta cad ku diideen inta uu leeg yahay awoodiisu iyo sidda lagaaga sugayo in aad guddo waajibka oofintiisa.

Samatarow ogsoonow guusha lagula garab marey ee la garan waayey aqoonta, kartida iyo awooda shakhsi ee Rabbi SWT hibadda kuu siiyey taas oo lafteedana lagaa sugayo in aad guddo abaal dhaceedda.

Samatarow guushii doorashada ee ay Soomaaliweyn kuu diideen hanashaddeeda kadib waxaan is wareysaney dadkii ilaahey kaa abuurey ee reer Awdal, waxaan weydiiyey siddeed u aragtaan guuldaradda wiilkiina haleeshey? Waxey iigu jawaab wariyeen waanu ka xunahay in sabankan lagu jiro xildhibaanadda Soomaaliweyn kala garan waayaan dadka iyo dalka ninkii badbaadin lahaa iyo kii burburinayey, waxa kale oo ay yidhaahdeen wiilkayaga anagaa u baahan aqoontiisa, awoodiisa, kartidiisa iyo hufnaanta hoggaamintiisa siyaasadeed.

Dooddaas dheer ee na dhex martey aniga iyo reer Awdal waxaa daliil cad u ahaa run dhab ah oo bar tilmaamsaneysey irmaanta darajo ee aad maanta halkaa ku soo gaadhey taasi oo ugu dambeyntii ku dul foolatey darmo laga sameeyey qabyaalad iyo qudhin, qaraabo kiil iyo qasnado lacag ah, eex maroorta iyo musuq maasuq markii la aasaasayeyna loogu magac darey golaha xalaasha ah ee shacabka Soomaaliyeed sidaas darteed Samatarow waan dareensanahay in ay fooshaasi aheyd mid kulul oo kurbo iyo taah darran la kowsatey dabaddeedna dhashey siddeed cod oo gaar ku ah tolkaa Gadabuursi.

Samatarow baahida tolkaa u qabbo aqoontaadda, awoodaadda iyo kartidaadda waa mid joogto ah oo biyo dhigeeda iyo guusheedu ku jirto adiga oo malaha shan iyo labbaatan sanno darsa nolosha ay ku sugan yihiin,  shan buug oo aad ka qorto iyo shan qoddob oo aad kala soo dhex baxdo duruustaas si aad ugu badbaadiso nolosha dambe ee mustaqbalkooda.

Markii aan arrintaas dadka reer Awdal u soo bandhigey ee aan waliba u bayaanshey in ay diyaar u yihiin iyo in kale waxey jawaabtoodii oo kooban noqotey “Cabdirisaaqow ceel qoddan oo aan Samatar ku sii sugno iyo cid maqan oo wakhtigaas na sii gaadhsiisaa geyiga ma joogto”.

Soomaalidu waxey ku maah maahdaa hadal murti buu ku go’aaye waxaan maqaalkan xikmadiyo murtida xambaarsan ku soo af-meerayaa kalmad carabi ah oo isaga laftiisu yidhi (Prof.Samatar) maalintii uu madasha baarlamaanka ku soo bandhigayey barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu rabbey in uu wadanka ku hago waa haddii uu doorashada dalka ku guuleysan lahaaye taas oo odhaneyneysa “Ciidun bi’ayi xaalin cuta yaa ciidun, Wa bimaa am bi amrin fiika tajdiidun” oo macnaheedu yahay “Ciid yahay soo noqotaye oo kuu dabbaal degnaye ma wixii hore uun baad haysaa mise wax cusub baad keeni”.

Haddaba anigu maanta halkaas baan taaganahay oo aan waliba adeerkey Samatar leeyahay “Ma halkaagii hore ayaad hawlihii Soomaaliweyn ka miisi doontaa? Mise hammuumta iyo haraadka tolkaa Gadabuursi u qabbo hoggaamintaada hufan ayaad hoos u soo fiirin doontaa.

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
camuudnews@gmail.com

 


This post has been viewed 2719 times.

Categories: OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal