Weriye Haashim oo weli xidhan iyo warkii ugu dambeeyey.

Waxa Daabacay on Sep 13th, 2012 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – Borama – Sida aan warkii hore ku shaacinnay, waxa saaka ciidanka Boliska Borama ay gurigiisa ugu yimid wariye Haashim Sh. Omer Good oo ka hawl gala, saxaafadda madaxa bannaan ee ay ka mid yihiin Somalisat TV  iyo shabakadaha awdalpress.com, Haatuf, Cakaaraha iyo kuwo kale.

Sida ay warar ku dhaw dhaw ciidanka Boliska Borama sheegayaanna waxa lagu eedaynayaa ra’yi ururin ku saabsan Madaxweynaha cusub ee Somaliya oo uu la yeeshay dad deggen magaalada Borama uu ka soo daayey TVga Somalisat.

Laakiin warar is khilaafsan oo isla ciidanka Bolisku sheegayaan ayaa tibaaxaya in madaxda sare ee Somaliland ku lug leedahay xadhigan wariye Haashim. Waxana loo tirinayaa in uu ka dambeeyey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland. Balse waxa xadhigan amray sida la sheegayo taliya ciidanka Boliska Somaliland. Oo amarka ka helay Madaxda ugu sarraysa Somaliland.

Wararka kale ee Borama naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in laga baqayo kacdoon shacab, oo lagu muujinayo xadhigga Haashim Sh. Omer Goth.

Si kasta arrini ha ahaatee, waxa aan si deggen isha ugu haynaa kiiskan lagu wiiqayo xorriyadda saxaafadda. Waana tallaabo aan intii muddo ah lagu arag Somaliland. Mas’uuliyiinta Somalilandna waxa la gudboon in ay sida ugu dhakhso badan xorriyadda muwaaddinkan ugu soo celiyaan.


This post has been viewed 6507 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal