Awdalpress – London – Nin kastaaba hayska hadlee, waxa ay dooddii Ahmed Samatar muujisay in uu yahay hal door cod kar ah, hanan kara kursiga uu u ordayo. Dadweynaha dhegeystayna ay qaarkood ka hor ooyayeen TVyada ra’yiyada ururinayey ee saxaafadda la soo xidhiidhay.
DHAGEYSO:Khudbadihii Maanta Ay Jeediyeen 10 ka Musharax
Muqdisho: (V.O.N):-Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho lagu soo …
Baarlamanka Somaliya maanta waxa hor yaalla arrin taariikhi ah, oo laga sheekayn doono. Laba mid uun bayna samayn doonaan,
- in ay dalka iyo dadka dantooda ka taliyaan iyo
- in ay dib u dhac ku keenaan dalka iyo dadka.
Si kastaba arrini ha ahaatee, dooddii maantu waxa ay ahayd mid sida aan sheegnay ku suntan taariikhda una dhici doota, in ay baal dahab ah ka gasho taariikhda amma mid madaw ka geli doonto marka loo codeeyo musharrixiinta u soo ban baxay in ay u ordaan hoggaanka dalka.
Tobanka Musharrax ee maanta dooddooda la dhageystayna waxa ay minbarka ka muujiyeen kartidooda iyo karti darridooda. Waxan arkayey amma dadka TVyada daawanayey ay arkayeen, Musharrixiin kic kicinaya warqad loo soo qoray amma ay soo qorteen….taasi oo muujinaysa karti darro aanay damacooda warqad la’aan gudbin karin iyo rag dooddooda aan warqad ka akhriyeyn balse kaashanayey maskaxdooda, kalsoonidooda iyo awooddooda hadal. Isla markaana dooddoodu u dhacaysey sidii ay qoran tahay. Amma ay cilmiyeysan tahay.
Dunida horumartayna waxa shacabku ugu horreyn eegaan in uu shakhsiga hoggaaminta dalka u ordayaa sito qoraal loo soo diyaariyey oo aan u naqaanno TOOBAL CAARE….kaasi oo aanay jeclayn iyo shakhsi kartidiisa iyo aqoontiisa minbarka la soo istaagi kara marka uu u baahdo, gudbinna kara waxa uu rabo in u sheego shacabkiisa iyo caalamkaba.
Tusaale ahaan, bal waxa aan is bar bar dhigtaa, laba Imaam amma Sheekh oo mid had iyo jeer qudbaddiisa Jimcaha uu warqad ka akhriyo iyo mid aan warqad qaadan, haddana aan dacal marin mawduuca uu ka hadlayo, isaga oo weliba adeegsanaya Aayado xul ah iyo Axaadiis uu dooddiisa ku qotominayo.
Haddaba, Ahmed Ismail, waxa uu muujiyey in uu yahay caalim dadka Somaliyeed ay maanta u baahan yihiin. Dooddiisii maatuna waxa ay muujisay mid ka soo burqanaysey hoggaamiye dhab ah, oo aan is yeel yeelayn, isla markaana doonaya in uu dadkiisa iyo dalkiisa u adeego.
Waa Musharraxa kaliya ee si dhab ah u duray wada hadalka Somaliya iyo Somaliland, waxana uu sheegay in loo baahan yahay in sida runta ah loo abbaaro wada hadalkaasi, laakiin waxa uu dibadda u tuuray in aanay laba wasiir iyo dhawr wasiir waxba ka qaban karin arrintaasi. Laakiin musharrixiinta kale si jees jees ah iyo dood aan nuxur lahayn ayey ku rafteen. Halka kuwa kalena ay faan iyo is iibin carruurnimo ay ku talax tageen xaqiiqooyinka dalka ka jirana aanay ugaba hadlin.
Anigu shakhsi ahaan waxan baarlamanka wax dooranaya u sheegi lahaa, doorta Ahmed, kuna doorta aqoontiisa, kartidiisa iyo daacadnimadiisa.
Ahmedweli Goth
Awdalpress.com
This post has been viewed 1511 times.








