Doorashada UDUB Ciyigii Waa Kabaryay,,,, Faallo

Waxa Daabacay on Aug 29th, 2012 and filed under OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Doorasha musharixiinta ee uu ku dhawaaqay xisbiga UDUB ee doorashadii ugu dambaysay lagaga guulaystay, ayaa noqonaysa mid hogaanka xisbigu qabtay wakhtigii aan ku haboonayan, sababta xiligan ku keliftay gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee xisbiga UDUB mudane Daahir Rayaale ayaa dadka qaarkii u arkaan in ay tahay sidii xisbigaasi uga qaybgeli lahaa tartanka ololaha doorashooyinka ee mudada laba todobaad ka dib ay xidhmayso soo xeraynta musharixiinta golaha deegaanka uga qaybgalaysa 3 xisbi iyo lixda urur tartanka golayaasha deegaanka.

Gudoomiyaha UDUB ee hore u ahaan jiray M/weynaha Somaliland Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisii hore ee dhwaanta is casilay ayaa khilaaf ay iskaga hor yimaadeen wuxuu noqday mid xisbiga ku kelifay in uu safka dambe ka galo tartanka golayaasha deegaanka ee Somaliland.

Khilaafka labada masuul oo hore Somaliland u soo hogaaminayay ayaa la odhan karaa khilaafoodu wuxuu ahaa midkii ugu horeeyay ee ka dhex qarxa tan iyo intii ay siyaasada isku calmadeen 10 sano ka hor, habase ahaatee murankooda ayaa salka ku hayay raasalamaalka ay u arkayeen in uu uga hadhay kuraastii mudnaanta dalka Somaliland ee doorashada lagaga faramaroojiyay, taas oo mid walba u arkayay in xiliga uu dalka joogo ama ka maqan yahayba isaga lagu sharfo, hadii uu suuqyada siyaasada ka gadmi karo, waxaana buuqa ka dhex Abuuray ayaa la odhan karaa labada siyaasi ka dib markii mid walba gaarkiisa dilaaliintii suuqa ugu jirtay ay soo heleen qurbajoog iyo duleed joog, nasiibkooduna noqday mid kala duwan, taasi oo labada siyaasi ee iskaga hooseeyay xukunka xisbiga UDUB ku keentay in dhexdooda deeradu mirato,. Isla markaana ku keentay xisbigii UDUB in siyaasadiisii noqoto badeecad caajis, taageerayaashiisiina ay u digarogtaan Ururada siyaasada ee cusub,

Si kastaba ha ahaatee, markii loo maaro waayay muranka daba dheeraaday ee hogaankii xukuumada UDUB iyo madaxdoodii ay la kala safteen ayaa waxay sababtay in todobaadkan ay ku dhawaaqaan kooxdii ku hadhay gudoomiyaha UDUB musharixiin cusub oo wakhtigan u muuqda Saanbuuse laga Eedaamay, Xisbiga UDUB waxaa ka xumaaday sumcadii siyaasadeed ee ku lahaa bulshada is jiidasha dhexdiisa mudada ka socotay, Dhaqaale daro soo foodsaartay xisbiga oo aanu wakhtigan helayn cid u hurta dhaqaale uu xisbigu ku hawlgalo iyo mudadii uu muranka ku jiray xisbiga UDUb oo dadkii ka kala dareeray iyo weliba xiligii uu xulu lahaa musharixiinta golayaasha deegaanka ee degmooyinka dalka oo aanu wakhti u helayn, waxa kale oo la tartamaya laba xisbi oo mid muxaafad yahay midna mucaarad dhiig cusub lagu shubay yahay iyo lix urur oo kale oo intooda badani ka taageero badan yihiin UDUB wakhti xaadirkan.

Labada musharax ee loo doortay UDUB waa niman wixii ay xisbiga ku kicin lahaayeen ee dhaqaale ahaa ama talo ahaa ay liciifisay murankii badnaa ee mudada ka dhextaagnaa UDUB iyo xadhig kala jiidashadii u dhaxaysay labada masuul ee xisbiga UDUB iskaga hooseeyay ee Rayaale iyo Axmed Yuusuf, waxaana la odhan karaa musharixiinta la doortay tamartii ay gelin lahaayeen xisbiga UDUB waxa lumiyay wakhtigii muranka xisbiga UDUB ka bixi waayay..

Xisbiga UDUBna wuxuu u muuqdaa mid lumiyay hal door fara badan taageerayaal la socday, waxa kale oo xusid mudan mawqifyada iska hor imanayay ee hogaanka UDUB ku kala taageeray shirarkii LONDON iyo DUBAI ee xukuumadu ku fashilantay, taas oo labada masuul midna xukuumadu u qaadatay LONDON midna DUBAI, isla markaana mid walba ka kale raacistiisa Xukuumada uu raacay iyo mawqifkiisa ka kale ku dhaliilay, iyaga oo midba ka kale waxa uu ku dhaliilayo uu sameeyay, bulshaduna waxay ogaadeen in Hogaanka UDUB uu ku  Asturnaa Muxaafidnimadii uu dalka ku xukumayay, balse aanay lahayn hogaanka UDUB iyo xubna kalaba Awood ay mucaarad xoogan ku noqdaan, oo ay bulshada Somaliland ku kasbadaan.

Guntii iyo gabagabdii maqaalka waxaan leeyahay Heestii ahayd ” Ciyigii waa ka baryay ninkii cunaybaa ka liita ”

Hashim Goth

Awdalpress

Boorama


This post has been viewed 1098 times.

Categories: OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Awdal Media by S R H