Gabay la yidhaa WAACID.By Qasim Cabdi-Bacad

Waxa Daabacay on Aug 26th, 2012 and filed under Daily Somali News, OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Tixdan magaceedua waxa la yidhaa WAACID waxana ay soo baxday  24/08/12

Walduxaa, watiin iyo walleyl, wawga lagu dhaarto
Mudan weeye mawlaha Ilaah, xikmad ku weyneeyey
Umaddeennu waxay sharaf ku mudan, waano iyo waacid
Nin walbaana wuxuu gaar u heli, samo wuxuu gaysto
Aniguna bal aan waacid gabay, wawga ka higaadsho
Anigoon xarafka weecinayn, beena warinaynin
An bidhaansho walaacaan qabiyo, umadan waydowday
An bidhaansho waayaha aduun, iyo waxaan eednay
Wax’an tabayo wax’an tiigsadiyo, wax’an kutaamaayay
Talo waxay maraysaa ina sugow, waa waxkuma taale
Waxmatare aduunyada majiro, wadar ladayrshaaye
Inagana waxaa laynayiri, waad fashilanteene
Foolxumada qabiilkay nawaray, wado kalceebeede
War bal eega waaxyaha dunida, umad waxaajoogta
Ninwaliba dadaal buu wadaa, lala wadaagaayo
Wabarkiyo quraanjada ragbaa, kaaga waramaaya
Wiilal baa dushaasare hawada, qalab ku weegaaray
Bada wayn rag baa quusay oo, keybal wada hoosta
Waxa loo digleeyahay dadoow, waa manfaca guude
Halgankaa aduunyadu wadee, nin iyo waagiiya
Wanaagaa maxaynaga wajalay, xumaha noo weecshay
Dhalintii waxbarateen lahaa, wadanku haw aayo
Umadani wareertaan lahaa, haw war celiyeene
Cudarkani wareemaan lahaa, war hakasiiyaane
Qaranimada wacan baan lahaa, wax hawga sheegeene
Waxwaliba sidii aanku waday, wiilow noqon waaye
Waxa kacay aqoonyahan inbadan, jaahilku waxdhaamo
Waxa kacay barbaar bilicsan oo, wadnuhu boogaystay
Nin waliba website buu furtoo, qolo ku wayneeyay
Waagii baryaba dhiilay wadaan, war iyo guubaabo
Wax-andiidno mooyee malaha, dood walaal nimo e
Umadani wareertay hadana, sii wadhfinayaane
Maatada wexeeda wexeed kii cunay, wali ku sheegaane
Umadaa danteed kii waday, waran ku tuuraane
Waxmatare umada wiiqay bay, cid wax kasaaraane
Garanmaayo goortay wadajir, midnimo waynayni
Garanmaayo waagay qabiil, tani ka waynaani

Garanmaayo goortay wanaag, daacad u wadaagi
Ilaaheena waynow adaa, noo waliya maanta
Wado kale mahaynoon ahayn, towba wajigaaga
Umadani wareerteen hadana, hoosba wali eegin
Camal keeda weeyaan falxumo, waxay mutaysteene
Umalee adaa waaxidoon, talo u waayayne

By : kassim Mahamed Abdi-bacad

Sanca-Yamen

 

guleed2012@gmail.com

 

 


This post has been viewed 3711 times.

Categories: Daily Somali News, OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal