Maxaa ku qarsoon Raysal Wasaaraha Dalka Kenya Mr.Raila Odinga in Maamulka Siilaanyo Marti qaad u fidiyo?.

Waxa Daabacay on Jun 8th, 2012 and filed under OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – Riyadh – Kaddib markay soo dhawaatay dibu-heshiisiinta iyo nabadeynta dalka Somalia, caalamkuna u xadhko-xidhay soo celinta maqaamkii qaranimo ee Somalia waxa bilaabmay dibindaabyeyn iyo mijoxaabin loola jeedo in lagu kala daadiyo dadaalladii ay hormuudka ka aheyd dawladda Ingiriisku; kadibna si rasmiya loogu xilsaaray dawladda Turkiga shirkii Istanbul II on Somalia – 31May – 1st June 2012; taas oo run ahaantii muujisay daacadnimo iyo karti ay ku soo ururisay arrinta Soomaalida ee baahday.

 

Waxa hubaal ah in Raysal wasaaraha dalka Kenya uu farriin toos ah u gudbinayo maamulka Siilaanyo, taasi oo uu ka soo horjeedda midnimada & wadjirka Somalia, waxase isweydiin mudan:

-         Fariintu ma waxa ay ka socotaa dawladda Kenya mise cid bay wakiil kaga tahay?

-         Mid ay tahayba, taladu ma midnimada ku qancinteedaa mise waa ku adkeynta kala qoqobka Somalia?

Siday murtida Soomaalidu aheyd “war jiraaba cakaaruu iman doonaa” hase yeeshee waxa aan marnaba indhaha laga lalin Karin in Maamulka Siilaanyo geed kasta oo laani uga soo liicdaba ay u cuskanayaan siyaasaddooda soo daba gaabatay.

 

Sida ka muuqata warbaahinta maxaliga ah ee Hargeysa waxa yeedhitaankan Odinga loogu sawirayaa dadka inay tahay arrin ganacsi iyo qoyska Siilaanyo oo Nairobi u guuraya – waa hadal -caruureed rakhiis ah oo aan caqli iyo siyaasadtoona ku dhisneyn iyadoo cid waliba garanayso in wasiirka koowaad ee dalka Kenya Mr.Odinga aanay waxba ka khusayn arrimaha qoyska ee Siilaanyo iyo mid kale toona, ganacsiga haamaha shidaalka ee Berbera in raysal Wasaaraha Kenya lagu shaabadeeyaana waaba fadeexadayn aan loo meel dayin.

 

Sidaa darteed; Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha iyo guud ahaanba xukuumadda kmg ah ee Soomaaliya anigoo og inay arkayaan waxan haddana ku boorinayaa inay tallaabooyinka ku habboon arrintaa ka qaadaan; isla markaana  difaacaan dadaalka dawladda Turkiga oo aan u cuntamaynin dawladaha jaarka qaarkood iyo cid kasta oo ka soo horjeedda midnimada iyo soo celinta qarankii Somalia. Sidoo kale Wakiilka Qaramada midoobay ee Somalia iyo dawladaha caalamka ee saxeexay inay ku yaboohaan dhaqalaha dib loogu dhisayo adeegyada bulshada ee dalka Somalia waxa ku waajib ah in ay fuliyaan go’aanadii ay isku raaceen; fiiro gaar ahna u yeeshaan waxyaabaha caqabadda ku noqon kara dadaalkooda iyo danahoodaba.

 

Wa Billahi A-Tawfiiq!

 

Mohamed  Abdullah Haji Obsiyeh

Riyadh – Saudi Arabia.


This post has been viewed 580 times.

Categories: OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal