Warmurtiyeedkii shirkii London ee Somalida loo qabtay.

Waxa Daabacay on Mar 2nd, 2012 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Hordhac

1. Shirka London ee ku saabsan Soomaaliya waxaa uu aqalka Lancaster House uu ka dhacay 23kii Febraayo 2012, waxaana ka soo qaybgaley konton iyo shan wefdi oo ka kala socdey Soomaaliya iyo beesha caalamka.

2. Waxa aan shirney waqti muhiim u ah Taariikhda Soomaaliya. Soomaaliya waxaa ay hadda ka soo baxaysaa dhibaatooyin bani’aadamnimo kuwii waqtigan ugu xumaa dunida. Ciidamo Afrikaan iyo Soomaali ah ayaa Al Shabaab ka saarey Muqdisho iyo degaamo kale. Hay’adaha ku-meelgaarka ah waxaa uu waqtigoodu dhammaanayaa Agoosto 2012, waxaana dadka Soomaaliya ay doonayaan in la caddeeyo waxa ka dambeyn doona. Xaaladdu weli ma deggana, waxaana ay u baahan tahay taageero degdeg ah oo ay siiso bulshada caalamka.

3. Go’aanka ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya waxaa leh dadka Soomaalida ah. Hoggaanka siyaasadda ee Soomaaliya waa in ay ahaadaan kuwo ay la xisaabtamaan dadkooda. Kaalinta bulshada caalamka u furan waa in ay fududeeyaan horumarka iyo koboca: xooggeenu waxaa uu ku jiraa midnimo iyo taageero isku dubaridan oo aan siinno Soomaaliya. Waxaa markii la qabanqaabinayey shirkan aan aqoonsanney muhiimadda ay leedahay in aan dhegeysanno oo aan la shaqeyno dadka Soomaaliyeed ee jooga gudaha iyo dibadda Soomaaliya, waxaana aan ku soo dhoweynney la kulankooda ka hor shirkan.

4. Shirku waxaa uu diiradda saarey sababaha dhalinaya degganaan la’aanta, iyo sidoo kale waxyaabaha calaamadaha u ah (macaluusha, burcad-badeednimada, iyo argagaxisanimada). Annaga oo bulshada caalamka ah, waxaan isla garanney: in aan dardar cusub gelinno geeddi-socodka siyaasadda; in aan xoojinno AMISOM oo aan Soomaaliya gacan ka siinno kobcinta ciidankeeda ammaanka; in aan gacan ka geysanno degannaanshaha heer degaan; in aan ku dhaqaaqno tallaabo wax looga qabanayo burcad-badeedda iyo argagaxisada.

Siyaasadda

5. Waxaan ku heshiinney in waqtiga Hay’adaha Federalka ee Ku-meelgaarka ah uu dhammaanayo Agoosto 2012. Waana in aan mar kale waqti loo kordhin. Waxaan soo dhoweyney heshiisyada tilmaamaya waddada lagu gaarayo dowlad si middan ka badan dadka u matasha: Axdiga Federalka ee Ku-meelgaarka ah, Heshiiskii Kampala, iyo Khadiiddada Waddada/Roadmap. Waxaa aan ayidney mudnaanta, lagu xusey Mabaa’diida Garowe, oo sheegayey in degdeg la isugu keeno Gole Ta’siisi ah (Constituent Assembly), waxaana aan carrabka ku adkeyney in Golaha uu ahaado mid ay ka wada muuqdaan fikradaha dadka Soomaaliyeed ee dhammaan gobollada iyo degaamada kala duwan, iyo in ay waajib tahay in haweenku ay qayb ka noqdaan geeddi-socodka siyaasadda. Si waafaqsan heshiiskii Garowe II ayaan isula oggolaaney in la dhiirrigelinno horumarka oo aan tallaabo ka qaadno kuwa qasaya geeddi-socodka nabadda, iyo in aan tixgelin doonna talooyinka arrintan la xiriira inta ka horreysa Shirka Istanbul ee la qaban doono bisha Juunyo.

6. Shirku waxaa uu aqoonsadey baahida loo qabo in bulshada caalamku ay taageerto wada-hadal kasta ee Somaliland iyo TFG-da ama ciddii beddesha ay ku heshiiyaan in ay yeeshaan si loo caddeeyo xiriirkooda mustaqbalka.

7. Waxaan cambaareyney argagaxisanimada iyo xagjirnimada gacan-ka-hadalka wadata, haddii ay ku kacaan Soomaali ama ajnebiba. Waxaan ugu baaqney in dhammaan kuwa oggol in ay ku gacan-seyraan rabshadda/gacan-ka-hadalka ay ku soo biiraan geeddi-socodka nabadda ee Jabuuti. Waxaan ku heshiinney in aan sameyno barnaamij loogu talogaley kuwa soo goosta oo lagu taageerayo kuwa ka soo baxa kooxaha hubeysan.

8. Waxa aan carrabka ku adkeyney sida degdegga ah ee loogu baahan yahay in Soomaaliya ay awooddo in ay maalgeliso adeegyadeeda dowladda, oo ay hantideeda u adeegsato waxyaabaha dadka faa’iidada u leh, iyo sidoo kale wax ka qabashada musuq-maasuqa. Waxaan soo dhoweyney horumarka laga sameeyey dhisidda Guddi Wadajir u Maareeya Maaliyadda/ Joint Financial Management Board (JFMB) si loo kordhiyo daahfurnaanta iyo xisaabtanka ee dhinacyada soo ururinta iyo in si habboon u isticmaalidda dakhliga dowladda, iyo sidoo kale gargaarka caalamiga ah ee horumarinta, kaas oo gacan ka geysanaya xoojinta hay’adaha maareynta maaliyadda dowladda ee Soomaalida ah. Baaq ay soo saareen xubinihii u horreeyey ee JFMB waxaa uu ku qoran yahay Lifaaqa A.

9. Geeddi-socodka nabadda waa in ay xuddun u ahaataa ixtiraamidda xuquuqaha aadanaha. Waxaan ku baaqney in la qaado tallaabo gaar ahaan mid wax looga qabanayo ku-tumashada iyo xadgudubyada waaweyn ee xuquuqaha aadanaha ee haysta haweenka iyo carruurta. Waxaan carrabka ku adkeyney in ay waajib tahay in suxufiyiintu ay hawshooda u qabsadaan si xor ah oo aan cabsiyi ku jirin. Waa in la ilaaliyaa dadka rayidka ah. Waxaan madaxda Soomaalida ugu baaqney in ay qaadaan tallooyin lagu xaqiijinayo xuquuqaha aadanaha laguna joojinayo dhaqanka ah in aan waxba la isu raacan (impunity). Waxaan ku heshiinney in aan xoojinno dadaallada caalamiga ah ee ay ka mid tahay in loo maro hay’adaha Qaramada Midoobey ee xuquuqaha aadanaha.

Ammaanka iyo Caddaaladda

10. Waxaan ku heshiinney in ammaanka iyo caddaaladdu ay muhiim u yihiin in la helo geeddi-socod siyaasadeed oo guuleysta iyo horumarkaba. Ammaan wanaagsan waxaa si joogto ah loogu heli karaa oo keliya marka ay barbar socdaan caddaalad wanaagsan iyo talinta sharciga.

11. Waxaan u mahad-celinney dalalka ciidamadoodu ay nabad-ilaaliyeyaal ahaan u joogaan gudaha waxaana aan ammaanney guulihii iyo wixii ay u hureen AMISOM iyo ciidamada kale. Waxaan soo dhoweyney qorshaha wadajirka ah ee ay dejinayaan Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika waxaana aan mar kale ku celinney muhiimadda ay leedahay in la sameeyo hoggaan taabogal ah. [Waxaan soo dhoweyneynaa in la ansaxiyo Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay **** ee ballaarinaya maandeytka (hawsha) AMISOM oo badinayana tirada ciidankooda.] Waxaan AMISOM ku dhiirrigeliney in ay hubiso ilaalinta dadka rayidka ah. Waxaa aan wada-hawlgalayaasha, gaar ahaan deeq-bixiyeyaasha cusub, ku dhiirrigeliney in ay maaliyad siiyaan AMISOM, taas oo ay ka mid tahay mid la soo mariyo Midowga Yurub.

12. Waxaan ku heshiinney in, muddo ka dib, Soomaalidu ay la wareegaan mas’uuliyadda ammaankooda ayna kobciyaan nidaamkooda cadaaladda si ay wax uga qabtaan halista ku wajahan ammaankooda ayna wanaajiyaan helidda caddaaladda. Waxaan aqoonsanney in Soomaalida oo keliya ay u taallo in ay go’aansadaan nooca ammaan iyo caddaalad ee ay doonayaan.

13. Waxaan aqoonsanney hawsha wanaagsan ee socota ee lagu taageerayo waaxaha ammaanka iyo caddaaladda ee Soomaaliya. Waxaan ku heshiinney in aan dhisno qaab wada-hawlgalayaal caalami ah si loo helo isudiwidda aadka loogu baahan yahay iyo si diiradda loo saaro hawlahaas, oo ay xoojinayaan tiro mabaa’dii ah oo lagu qorey lifaaqa B oo si dhow ula shaqeynaya Guddiga Wadajirka ah ee Qaramada Midoobey ee Ammaanka/UN’s Joint Security Committee.

Budhcad-badeednimada

 

14. Waxaan mar kale ku celinney sida ay innooga go’an tahay ciribtirka burcad-badeednimada, annaga oo ogaaney in dhibaatadu ay u baahan tahay in hab ballaaran oo dhulka iyo baddaba ah wax looga qabto. Waxaan muujinney welwelka aan ka qabno la-haystayaasha muddada dheer lagu hayso Soomaaliya ee gacantana loo qaadayo. Waxaan soo dhoweyney hawsha Kooxda Xiriirka arrimaha Burcad-badeedda Dibadda Xeebta Soomaaliya. Waxaan sidoo kale soo dhoweyney guusha ay gaareen dadaallada ciidamada caalamiga ah, waana ay innaga go’an tahay sii wadista dadaalladaas oo kale oo leh xeerar adag oo hagaya hawlgalka iyo ciidamo ku filan. Waxaan isla oggolaaney in burcad-badeednimada aan lagu xallin karin hawlo mileteri oo keliya, waxaana aan ku celinney muhiimadda ay leedahay in bulshooyinka in ay wax ka qabtaan waxyaabaha sababta u ah burcad-badeednimada, iyo sii wanaajinta in biyaha xeebaha Soomaaliya si waxtar leh loo adeegsado iyada oo loo marayo tallaabooyin lagu dhisayo kartida dhinaca badda ee gobolka. Waxaan soo dhoweyney dadaallada socda waxaana aan isla oggolaaney in si wanaagsan la isugu duwo loona taageero. Waxaan ku baaqney in si buuxda loo hirgeliyo Xeer-dhaqanka Anashaxa ee Jabuuti (the Djibouti Code of Conduct) iyo in la sameeyo Soon/Degaan Dhaqaale oo Gaar ah (Exclusive Economic Zone). Waxaana sugeynaa waqtiga aan dib u eegi doonno horumarka la gaarey oo uu ka mid yahay kan laga gaarey Shirka Burcad-badeednimada ee lagu qaban doono Imaaraadka Carabta ee Midoobey bisha Juunyo.

15. Waxaan soo dhoweyney dadaalka wada-hawlgalayaasha hawshan/partners in industry ee ka dhanka ah burcad-badeedda, waxaana aan ku baaqney in si sidan ka ballaaran loo qaato Habka Maareynta ee ugu Wanaagsan (Best Management Paractice) ee maraakiibka korkooda. Waxaan soo dhoweyney hawsha hadda socota ee ku saabsan hagidda caalamiga ah ee adeegsiga sharikaadka gaarka loo leeyahay ee ammaanka ee hubeysan.

16. Ma jiri doonto burcad-badeenimada aan waxba la isugu raacan. Waxaan ku baaqney in si weyn loo kobciyo awoodda garsoor ee dacwad ku soo oogista iyo xiridda kuwa ka dambeeya burcad-badeednimada ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka waxaana aan aqoonsanney baahida loo qabo in la xoojiyo kartida dowlad goboleedyada. Waxaan soo dhoweyney heshiisyada cusub, ee qaar ka mid ah dowladaha iyo hawlgallada ciidamada badda awood u siinaya in ay kuwa looga shakisan yahay burcad-badeednimada loo maxkamadeeyo marka ay wada-hawlgalayaashu ku qabtaan gobolka Badweynta Hindiya, iyo in marka lagu helo, loo wareejiyo xabsiyo ku yaalla Puntland iyo Somaliland oo heerarkoodu gaarsiisan yihiin jaangooyooyinka caalamiga ah. Waxaan ogaanney ujeedka lagu doonayo in laga sii fekero suuragalnimada in Soomaaliya gudaheeda laga dhiso maxkamado ku takhasusey wax ka qabashada burcad-badeednimada.

17. Waxaan mar kale sheegney sida ay innooga go’an tahay in aan maxkamadeyno kuwa u madaxda ah burcad-badeednimada. Annaga oo aqoonsanneyna hawsha hore loo soo qabtey, waxaan ku heshiinney in aan sii wanaajinno isuduwidda hawlaha wax looga qabanayo isusocodka maaliyadda sharci-darrada ah iyo in la isu duwo sir-doonka iyo baaritaannada. Waxaan ogaanney in Seychelles laga dhisey Xarun-goboleedda Isuduwidda Sir-doonka-Maxkamadeynta ee La-dagaallanka Burcad-badeedda/Regional Anti-Piracy Prosecutions Intelligence Coordination Centre.

Argagaxisada

18. Argagaxisanimadu waxaa ay halis adag ku tahay ammaanka Soomaaliya, kan gobolka, iyo kan caalamka. Waxaa ay silic weyn u geysatey dadka Soomaaliyeed. Waxaan isla wada oggolaaney in aan u wada shaqeyno si sidii hore ka xooggan, iyo iyada oo si buuxda loo ixtiraamayo talinta sharciga, xuuqaha aadanaha, iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, in la dhiso kartida si loo carqaladeeyo argagaxisada gobolka, iyo in wax laga qabto sababaha asalka u ah argagaxisanimada. Waxaana aan aan isla garanney muhiimadda ay arrintan leedahay. Waxaan isla garanney muhiimadda ay leedahay carqaladeynta safarrada argagaxisada ay ku tagayaan Soomaaliya iyo kan ay kaga imanayaan, iyo muhiimadda ay leedahay carqaladeynta maaliyadda argagaxisada, waxaana aan ugu baaqney dalalka goboka ku yaalla in ay hirgeliyaan talooyinkii Koox-halweedda Tallaabada Maaliyadda/Financial Action Task Force ee ku saabsanaa la dagaallanka dhaqidda lacagta (raad-gadidda lacagta/money laundering) iyo maaliyad-siinta argagaxisada. Waxaan xusney in sir-doon iyo baaritaan taabogal ah, iyo taageero la siiyo nidaamka cadaaladda dembiyada ee Soomaaliya, ay muhiim u yihiin la dagaallanka argagaxisada. Waxaan ku heshiinney in aan la shaqeyno Golaha Caalamiga ah ee La-dagaallanka Argagaxisada/the Global Counter Terrorism Forum iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah iyo kuwa goboleed si looga soo dhalaalo hawshan muhiimka ah.

Degannaanshaha iyo Soo-kabashada

19. Waxaan soo dhoweyneynaa guulaha ay gaareen degaanno ka mid ah Soomaaliya ee ay ku abuureen goobo deggan, waxaana aan ku heshiinney in aan kordhinno taageero lagu dhiso maamul sharci ah oo nabad ku dhisan, iyo si loo wanaajiyo adeegyada ay helaan dadka ku nool degaamadaas. Waxaan ku heshiinney in dadaallada noocaas ahi ay dhiirrigeliyaan/kor u qaadaan wadajirka, ayna qayb ka noqdaan geeddi-socodka siyaasadeed ee qaranka.

20. Waxaan fulinta Qorshaha Soo-kabashada iyo Dejinta Muqdisho u aqoonsanney mid muhiim ah. Waxaan ku heshiinney in barnaamijyada aan ku baahinno degaannada dhowaan dib loo soo ceshadey. Waxaan diiradda saari doonnaa taageero lagu suuragelinayo in faa’iidooyin degdeg ah oo la joogtana ah loo gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah: bedqabka iyo ammaanka, fursado dhaqaale iyo adeegyo aasaasi ah. Waxaan dhiirrigelin doonaa maamullo degaan oo waxtar leh oo lala xisaabtamo, waxaana aan taageeri doonnaa xallinta khilaafaadka.

21. Waxaan ku heshiinney in guud ahaan taageerada arrimaha degannaanshaha ee gudaha loo bixiyo si waafaqsan Heshiiska Cusub ee ka hawlgelidda qaramada jilicsan ee dhowaan lagu ansxiyey Busan, oo aan ka faa’iideysanno istiraatiijiyadihii dejinta ee ay diyaariyeen IGAD iyo Dowladda Federalka ee Ku-meelgaarka ah. Waxa aan ayidney tiro mabaa’dii ah oo hagaya taageerada caalamiga ah ee la siinayo arrimaha degannaanshaha ee gudaha ee Soomaaliya (Lifaaqa C). Waxaan xusney in la sameeyey Sanduuqa Maaliyad Degganaansho oo cusub kaas oo qaar badan oo innaga mid ahi ay wax ku biirin doonaan (Denmark, Netherlands, Norway, United Arab Emirates, United Kingdom).

22. Waxa aan isla oggolaaney in dib-u-dhiska iyo koboca dhaqaalaha ee Soomaaliya ee muddada fog ay ku xiran yihiin ganacsi gaar loo leeyahay oo firfircoon, iyo in gargaarka iyo maaliyadda qurba-joogta ay labaduba kobcin karaan qaybaha laga faa’iideysan karo ee xoolaha, kalluumeysiga iyo qaybaha kale ee dhaqaalaha. Waxaa aan xusney in degganaanshuhu uu shuruud u yahay badi maalgelinta joogtada ah ee kaabayaasha dhaqaalaha sida nidaamyada korontada, waddooyinka iyo biyaha. Waxaan fileynaa in dhammaan arrimahan looga munaaqashoodo Shirka Istanbul.

Bani’aadamnimada

23. Shirka waxaa ka hormarey kulan gooni ah oo laga yeeshey arrimaha bani’aadamnimada kaas oo ay wada guddoominayeen Qaramada Midoobey iyo Imaaraadka Carabta ee Midoobey. In kasta oo ay dhammaatey macaluushii, haddana ka-qaybgalayaashu waxaa ay welwel ka muujiyeen dhibaatooyinka bani’aadamnimada ee hadda jira, waxaana ay ballanqaadeen in ay bixiyaan gargaar bani’aadamnimo oo sal looga dhigayo baahida jirta oo keliya. Waxaa ay isla oggolaadeen waxyaabo lagu heshiiyey oo la xiriira arrimaha bani’aadamnimada iyo in gargaarka lagu xiro soo-kabashada muddada fog (waxaa lagu faahfaahiyey qoraal gaar ah).

Isku duwid Caalami ah

 

24. Waxa aan ku heshiinney in hawsha looga heshiiyey London aan u gudbinno Kooxda Xiriirka Caalamiga ah/International Contact Group (ICG) ee Soomaaliya, waxaana aan soo dhoweyney go’aanka ICG ee Jabuuti ee ah in laga fekero dib-u-habeyn si loo noqdo kuwo intan ka waxtar badan. Waxaan ku taliney in ICG ay dhisto guddi hawleedyo u qaabilsan geeddi-socodka siyaasadda, ammaanka iyo garsoorka, iyo degannaanshaha iyo horumarinta. Waxaan ogaanney in, ICG dhexdeeda, ay koox dalal muhiim ah oo ku hawlan arrinta ay ka shaqeyn doonaan horumar laga gaaro dhinaca taageeridda dadaallada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo IGAD.

25. Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) ay ku fududeynayaan horumarka laga gaarayo Soomaaliya. Waxa aan sidoo kale soo dhoweyney kaalinta IGAD iyo Midowga Afrika, iyo taageerada Jaamicadda Carabta, Midowga Yurub, iyo Ururka Shirka Islaamka. Waxaa aan dhiirrigelinney in si waxtar leh ay hawlahooda isugu duwaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka shaqeeya Soomaaliya. Annaga oo aqoonsan xaaladda ammaan ee culeyska leh ee weli ka jirta Soomaaliya, ayaan haddana soo dhoweyney dib-u-guuritaanka ay UNPOS ay dib ugu guureyso Muqdisho waxaana aan isla oggolaaney in aan higsan doonno in aan waqti badan oo kale ku bixinno gudaha Soomaaliya si Soomaalida loogala shaqeeyo hawlaha adag ee hor yaalla.

Gebogebo

 

26. Waxa aan muujinney rajada aan ka qabno in la gaarey waqti cusub oo siyaasadda Soomaaliya, oo ay taageereyso bulshada caalamka, ay nabad ka dhalinayso Soomaaliya. Waxaa naga go’an in danaha dadka Soomaaliyeed aan xuddun uga dhigno dhammaan tallaabooyinkeenna. Waxaa aan ka dhur sugeynaa maalinta xaaladda ka jirta Soomaaliya ay sameysey horumar dad ugu filan in shir caalami ah lagu qabto halkaa. Inta laga gaarayo waqtigaas, waxaa aan laba-laabeynaa dadaalkeenna aan dadka Soomaaliyeed ku gacan siineyno doonistooda ay dalkooda u doonayaan mustaqbal wanaagsan.

London

23 Febraayo 2012

SHIRKA LONDON EE SOOMAALIYA: GEBOGEBADA KULANKA ARRIMAHA BANI’AADAMNIMADA

Wada-hadal arrimaha bani’aadamnimada ku saabsanaa oo ka barbar-socdey Shirka London ee Soomaaliya ayaa ka dhacay aqalka Lancaster House 23kii Febraayo waxaana ka qaybgaley wakiillo ka socdey bulshada caalamka. Kulanka barbar-socdey shirka waxaa looga dan lahaa sidii loo joogteyn lahaa sida ay bulshada caalamku diiradda u saartey dhibaatooyinka hadda jira iyo kuwa dabadheer, iyo dadaallada lagu wanaajiyo waxtarka/taabogalnimada waxqabadka bani’aadamnimada ee mustaqbalka.

Gebogobada

Ka-qaybgalayaashu waxaa ay soo dhoweeyeen hindisaha ah in la qabto kulan barbar-socda shirka oo ku saabsan arrimaha bani’aadamnimada, kaas oo isu keeney bulshada caalamka si ay wax uga qabtaan dhibaatooyinka hadda socda iyo kuwa dabadheer ee ka jira Soomaaliya.

Waxa aan soo dhoweyney baaqii 3dii Febraayo ay Qaramada Midoobey soo saartey ee sheegayey in ay dhammaadeen xaaladihii macaluusha ee Soomaaliya. Haseyeeshee, waxaa aan carrabka ku adkeyney sida weyn ee aan uga welwelsannahay in 2.34 milyan oo qof ay weli dhibaatooyin haystaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin 1.35 milyan oo qof oo dad gudaha ku barokacay ah. 295,000 qof oo Soomaali ah oo qaxaya ayaa ka gudbey xuduudaha sanadkii 2011, tiradaas oo wadarta guud ee qaxootiga Soomaalida ah ee jooga gobolka ka dhigeysa ku dhowaad 1 milyan. Waxaa si gaar ah looga welwelsanaa haweenka iyo carruurta ku baylahsan Soomaaliya, iyada oo 325,000 carruur ah ay nafaqo-xumo ba’an hayso iyo rabshadda jinsiga la xiriirta ee sii badaneysa, iyo xadgudubyada xuquuqaha carruurta ee jira. Waxaa aan xusney in xaaladda bani’aadamnimada iyo ilaalinta deegaanku ay weli tahay mid jilicsan, gaar ahaan tan koonfurta dalka.

Waxaa aan mar kale ku celinney in hawlgalka bani’aadamnimadu ay tahay in ay hagaan mabaa’diida hawlaha bani’aadamnimada ee ah bani’aadamnimo, madax-banaani, dhexdhexaadnimo iyo eex-la’aan si loo hubiyo in gargaarka iyo ilaalintu ay gaaraan kuwa u baahan, waqtiga ay u baahan yihiin. Waxa aan soo dhoweyney dadaallada dhammaan kuwa ku hawlan bixinta gargaarka bani’aadamnimada ee la siinayo dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin maamullada qaran iyo kuwa degaan, Qaramada Midoobey, dowladaha gobolka, dalalka xubnaha ka ah, bulshada rayidka ah (oo ay ka mid yihiin qurba-joogga) iyo ururrada aan dowliga ahayn. Waxaa aan isla qaadanney in ay dhammaan kuwa gargaarka bixiya ay si taabogal ah oo waxtar leh ay hawlahooda isugu duwaan ay tahay mid muhiim u ah daboolidda baahiyaha.

Waxaa aan carrabka ku adkeyney muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo kala saaro ujeeddooyinka bani’aadamnimada iyo ujeeddooyinka siyaasadeed iyo kuwa ammaan iyo in isku qasidda ujeeddooyinkan ay halis gelineyso sidii kaalmada aadka muhiimka u ah loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed. Sidaa daraaddeed, waxaa aan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada jooga Soomaaliya ay hubiyaan in hawl-wadeennada bani’aadamnimada loo oggolaado in si buuxda, ammaan ah oo aan caqabado lahayn u gaaraan kuwa u baahan, iyo in ay hubiyaan in kuwa u baahan ay bedqab ku soo gaari karaan gargaarka.

Waxa aan isla oggolaaney in loo baahan yahay in maamullada Soomaalida iyo bulshada caalamku ay sii wadaan taageero waqtigii loo baahnaa timaadda oo joogto ah oo gacan looga geysanayo yareynta silica haysta dadka Soomaaliyeed. Iyo sidoo kale in in gargaar degdeg ah loo bixiyo siyaabo wax taraya soo-kabashada iyo horumarka waqtiga dheer, taas oo ay ka mid tahay abuurista xaaladihii ay ku imaan lahaayeen xalal waara oo loo helo barokacayaasha. Waxaan isla oggolaanney in la adkeeyo dadaallada socda, ee ay hoggaamineyso Qaramada Midoobey, si loo xoojiyo isuduwidda hawlaha.

Ka-qaybgalayaasha ayaa sidoo kale si adag ugu heshiiyey in, marka lagu daro wax ka qabashada baahiyaha degdegga ah ee bani’aadamnimada, in loo baahan yahay in bulshada caalamka ay dadaalkeeda isu geyso sidii dadka Soomaaliyeed ay qacan uga siin lahayd in ay dhisaan sidii ay ugu adkeysan lahaayeen dhibaatooyin mustaqbalka soo socda iyada oo bixineysa taageero sanado badan socota oo lagu bixiyo maciishadda iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga ah. Waxaan isku af-garanney in loo baahan yahay in Qaramada Midoobey ay hoggaanka u qabato istiraatiijiyad-u-dejinta hawshan, iyada oo ku xisaabtameysa dadaalladii dhowaanahan ay sameeyeen iyo kuwa hadda wadaan dalalka IGAD ee lagu yareynayo dhibaatooyinka xaaladaha abaareed ee degdegga ah.

Waxa aan mar kale sheegney muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada ku lugta leh khilaafka ay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah, ee uu ka mid yahay Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada, gaar ahaan in kuwa hubeysan ay qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagamamaarmaanka ah ee looga hortegayo dhaawac iyo dhimasho soo gaarta dadka rayidka ah iyo in ay hubiyaan in hawlgal mileteri aanu caqabad ku noqon gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimada. Waxaa aan isku af-garanney baahida loo qabo in la wanaajiyo nidaamyada lagula soconayo loogana soo warbixinayo xadgudubyada la xiriira Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada ee ka dhaca Soomaaliya.

Waxaa aan muujinney welwelka aan ka qabno dhibaatada haysata qaxootiga ku nool dalalka deriska iyo sida aan uga mahadcelineyno martigelintooda annaga oo mar kale ku celinney in aan taageereyno dalalka martigeliya qaxootiga. Waxaa aan isla oggolaanney in loo baahan yahay in bulshada caalamku ay Dowladaha gobolka kala shaqeeyaan sidii xalal waara loogu heli lahaa qaxootiga Soomaalida ah ee ixtiraama shuruucda caalamiga ah. Waxaa aan soo dhoweyney ballanqaadkii Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobey ku ballanqaaddey in ay cusbooneysiin doonto dadaal ay hoggaanka ugu qabaneyso sidii loogu heshiin lahaa xalal waara oo arrinta loo helo.

Dhammaad

Iyada oo English ahna halkan guji oo ka akhriso.

London Conference on Somalia


This post has been viewed 722 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal