Shirka London ee Somalida iyo Muddaharaadyada noocyada badan ee shalay iyo Maanta !

Waxa Daabacay on Feb 23rd, 2012 and filed under OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London Dalka UK amma Somalidu u taqaanno Ingiriisku waa dal yar oo haddana weyn, waa jasiirad dhacda galbeedka  Yurub. Waxa dalkan ku nool dad lagu qiyaaso 60 illaa 70 Milyan, waxana ay badi ku kala nool yihiin magaalooyinka waaweyn iyo baadiyaha intaba. Xukuumadduna waa boqortooyo, laakiin waxa dawladda wada xildhibaanno laga soo doorto  xisbiyo, oo uu mar walba hoggaamiyo ra’iisal wasaare.

Taariikh ahaan dalkani waa dal qadiim ah, oo xaddaarado kala geddisan soo maray, oo muddooyin boqollaal sano ahna la soo gumaystay, la soo weeraray. Waxana weli ka sii muuqda raadkii gumaystayaashii dalkan gumaystay sida Vikings kii, Talyaaniga iyo quruumo kale oo meelo kale kaga soo duulay.

Qarniydan ugu dambeeyeyna waxa ay ka soo gudbeen dagaallo sokeeye, rafaad siyaasadeed, oo gaadhay in boqorro la dilo, goobihii dadka loogu talinayey la gubo, dad la xasuuqo….oo qabiil qabiil iyo magaalo magaalo la isku laayo. Rafaadkaa iyo bur burkaana waxa soo khatimay labadii dagaal ee dunida ka dhacay, oo Ingiriiksu qayb weyn ka ahaa.

Dadka Ingiriiska la yidhaa, waxa ay ka mid yihiin shucuubka dalkooda ka haajirtay wakhtiyo hore, colaad, hijro iyo gaajba uga qaxay jasiiraddooda. Waxa kale oo ay qayb ka ahaayeen gumaystayaashii Yurub, ee dunida ugu borotamay in shucuub kale ay gumaystaan.  Waxana ay ku guulaysteen in ay noqdaan gumaystaha  aanu calankooda cadceeddu ka dhicin, gumaysigooduna waxa uu gaadhay min Maraykan, Africa, Australia illa bariga fog amma China.

Dhibaha dunada ka dhacay qarnigii inna soo dhaafay iyo kii ka horreeyey awalkiisiina qayb ayey ka ahaayeen, kala qoqobka dunidana qayb lixaad leh ayey ka soo qaateen. Laakiin wakhtigan casriga ah, ee laga gudbay gumaysigii, ee dal walliba uu isagu is-maamulo, waxa ay door bideen in ay saaxiibtinnimo mooyee aanay fara gelin ku samaynin. Balse waxa ay wakhtiyo loollamayeen quwaddii bariga ee Ruushku hoggaaminayey oo dunida saddexaad intooda badan hanatay. Iyada oo ku egeyd in ay xoog u yeesho xukuumadihii markaa jiray, oo diktaatooriyad uun dadka ku maamulayey.

Somaliya wakhtigaa waxa ay ka mid ahayd dalalka ay Ruushka iyo saaxiibbadood ku faanaan, waxana ay u dhiseen ciidan aad u quwad badan. Nasiib darrase, waxa xukunkii Siyaad Barre ee markaa jiray uu quwaddii ciidan iyo kii shacabkaba u isticmaamay dagaalkii 77 ee uu Itoobiya ku qaaday, kaasi oo ahaa mid lagu soo furanayey dalkii uu loo bixiyey Somali Galbeed.

Dagaalkaasi waxa uu soo dedejiyey bur burkii dawladda Somaliyeed, waxana bilowday jabhado hubaysan, oo damacoodu ahaa in ay dalka taladiisa la wareegaan. Balse sidii ay wax u doonayeen uma ay dhicin, oo qabiilkii ayey soo nooleeyeen. Waxana ay ummaddii Somaliyeed noqotay mid u qaybsanta qabiilooyin iyo gobollo. Xukuumaddii Mingiste ee Itoobiyana iyada oo ka cadhaysan dagaalkii ay Somaliyi ku soo qaadday, oo aar-goosanaysa  ayey jabhad kastaba hub u tuushay, oo ay dalkii ku soo hoggaamisay, illaa uu rajiimkii Siyaad Barre dalkii ka huleelay.

Shirka London:

Haddii aan sheekada inteeda kale akhristayaasha u dhaafo, oo aan u soo gudbo sida loo arko shirkani London iyo dawladda Ingiriisku awoodda ay u leedahay in ay Somalida caawiso….waxa ay iila muuqataa sidan:

Sida aan hore u soo sheegnay waxa ay dawladda Ingiriisku khibrad iyo waaya aragnimo intaba u leedahay sida loo xallilo mashaakilka Somali haysta ee ay ka dhaqaaqi la’dahay.  Shacabka Somaliyeedna waxa ay u leedahay aqoon gaar ah oo aanay dawlad kale u lahayn.Intii uu burburka Somaliya dhacayey iyo intii ka horreyseyna waxa maalin walba ay la socotay xaalku halka uu marayo. MI5 oo ah hay’adda sirdoonka dalkuna waxa ay muddadaasi dheer heshay warar badan oo ku xeeran dhibta barri loo gogol fadhiisanayo. Sidii xal loo gaadhi lahaana waxa aad uga wada shawray aqoonyahannno Ingiriis ah oo khibrad gaar u leh Somalida, qurba joog la shaqeeya iyo saxaafadda oo xogta maalin laha ah ay ka dheegtaan.

Hadday tahay Somaliya, Al Shabaab, Gobollada Koonfurta, Qabiilooyinka, Somaliland, iyo maamul goboleedyada kaleba waxa ay ka haysaa xogo togan iyo kuwo taban oo aad u baaxad weyn. Waxa kale oo ay la socdaan shacbiyada aan hadlan karayn amma la muquuniyey ee iyagu aammusan, sida Midgaha, cadcadka, iyo kuwo kale oo aan maanta maamullada la marti qaaday aanay xubin kaliya lagaga soo darin wafdiyada.

Xog ogaalnimdadaasi iyo khibradda ay ku horumarsan yihiin iyo dhaqaalahooduba waxa uu gaadhsiin karaa, in ay Somaliya wax u qabtaan, oo ay dhibta haysata wax kala qabtaan, waxana ay kor iyo hoosba u sheegeen in ay arrinka Somalida maanta xal u helayaan, oo aanay dib dambe u eeganayn…

Gobol gaar oo ay tixgelin gaar ka siinayaan ka kale ma jirayso. Dad gaar oo kuwa kale ka mudanina ma jirayso, gooni isku taag ay qaybo wataan oo illaa immiga ay ogol yihiinna ma jirto.

Laakiin Shucuubta Reer Somaliland waxa ka go’an in ay dawlad ka gaar ah ka yeeshaan, tani Somalida loo dhisayo. Sidaasi ayaanay bannaanbaxa maanta u sameeyeen….oo aanay una aammusayn illaa ay gunta gaadhaan. Dhinacyada kale ee Somaliduna waxa ay u bannaan baxayaan kooxo shirkaba ka soo horjeeda, kooxo cabanaya, kooxo Somaliweyn u ololaynaya oo fikradda Ingiriiska waafaqsan, iyaga oo soo dhaweynaya xoog kasta oo dalka lagu xasilinayo.

Barrina waxa madal mid ah isugu iman doona in ka badan 40 Dawladood iyo tobaneeye ururro caalami ah, oo dhammaantood u yimid in ay dhabarka u ritaan xalka….. dhibaatada Somalida ku habsatay, oo ay qaar ka mid ahi ciidammo iyo dhaqaalaba geeyeen Somaliya.

Gundhigga iyo nuxurka shirkanina waxa uu isugu soo biyo shubanayaa, in madaxda Somaliyeed ee isaga kala timid gobollada oo ay ku jiraan Somaliland ay saxeexayaan go’aanka iyo talada la siiyo, haddii ay jabiyaanna lagu maxkamadayn doono maxkamadda caalamiga ah. Arrimaha looga digayaana waa in ay dhagar ka galaan dadkooda, iyo in ilaaliyaan  caddaaladda ummadda amma xaq soorka. Ta laga doonayaana waa in ay noqdaan waxa ay ugu yeedhaan good governors.

Shirkani waxa uu awoodda siinayaa gobollada iyo maamulkooda, oo aad loola xisaabtami doono, gaar ahaan deeqaha iyo mashaariicda la siiyo oo si gaar ah indhaha loogu eegi doono. Iyada oo la qiimayn doono dadka hawlaha faraha ku hayaa aqoonta ay leeyihiin iyo kalsoonida ay ummadda ku qabaan.

Waxa kale oo la filayaa in ay ka soo baxaan, xakamayn hubka ah, ciidammada aadka u hubaysan ee ay gobollada qaar samaysteen oo loo beddeli doono ciidammo madani ah, kuwaasi oo ku salaysan hannaanka ammaanka oo kaliya. Mana jiri doonaan ciidammo ku hubaysan  PM iyo Madaafiic amma Taangiyo si ay ugu xasuuqaan shacabka amma ay kala hortagaan shacabka. Sidoo kale ilaalada xeebaha ayaa la keeni doonaa quwad aad u xoog badan, oo cagta marisa cid kasta oo isku dayda in ay ammaanka Maraakiibta amma doonyaha wax yeesho.

Xorriyadda waddanigu uu u  leeyahay in uu hadlo amma uu codkiisa si nabad ah ku sheegto ayaa ah midda ay dawladda Ingiriisku ay mudnaanta koowaad siinayso.

Qaybta dambe aan la sugno isku soo baxa barrito.

Ahmedweli Goth


This post has been viewed 297 times.

Categories: OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal