Budhcad Badeeda oo Af-duubtay Markab u rarnaa ganacsato Reer Somaliland ah

Waxa Daabacay on Feb 19th, 2012 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress(Berbera) 19 Feb, 12–Markab la yidhaahdo Layla oo u rarnaa Ganacsato Itoobiyaan ah iyo kuwo Somaliiland ah ayay xalay koox Budhcad Badeed ahi ka Af-duubtay Agagaarka xeebta Dalka Cumaan oo uu marayay.

Ilaa hada war faahfaahsan lagama hayo budhcad badeedaasi meel ay la tagtay Maarkabkaasi hase yeeshee waxa Waaheen u xaqiijiyay Af-duubka Markabkaasi Masuul ka wakiil ah Ganacsatada ay Alaabuhu u saarnaayeen oo Hargeysa ku sugan.

“ koox Budhcad Badeed ah ayaa Af-duubtay xalay Markabka Layla. Kooxdu sida aanu xogaha ku hayno waxay ka kaxaysteen Agagaarka Cumaan, waxaanaya markii hore iskaga dhigeen Kalluumaysato ay Dooni ka xumaatay, laakiin waxa ilaa hada cad inay ahaayeen Budhcad Badeed walina wax macluumaad ah lagama hayo halka ay ula dhaqaaqeen.

Waxa saarnayd Badeecadio badan oo ay leeyihiin Ganacsato Reer Somaliland ah iyo kuwo Itoobiyaan ah. Waana Maraakiibta sida joogtada ah ay Ganacsatadu u soo raran jirtay.

Afduubka markabkan ayaa ku soo beegmaya xili Baarlamaanka Somaliland ansixiyay isla markaana dood ka yeeshay Sharci ku saabsan Budhcadbadeda iyo sidii loogu maxkamadayn lahaa Somaliland, sharcigaas oo maalin ka hor golaha wasiirada Somaliland u soo gudbiyeen Baarlamaanka.

Awdalpress


This post has been viewed 369 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal