Guddoomiyaha xisbiga kulmiye ee G/Awdal,Waxaa xaaraan aflagaado shakhsiyadeed.

Waxa Daabacay on Dec 3rd, 2009 and filed under OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

          
kulmiye-flagBorama(Awdalpress) 02 Dec.09– Warsaxaafadeed uu u soo diray shabakada Awdalpress Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee G/Awdal Ibraahim Aadam Qaalib ayuu ku sheegay in ay xaaraan tahay in tartanka xisbiyada loo adeegsado Aflagaado shaqsi, wuxuuna u dhignaa sidan qoraalka uu soo saaray Mr.Qaalib,
 
“Anigoo tixraacaaya maqaalka uu Adan Xaaji muxumed Aye ku qoray jariidada hatuf ee uu ku cambaaraynaayey Murashaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga kulmiye mudane Abdiraxman Abdillah (saylici) ayaa markii aan aad u eegay aan garan waayey nuxurka farrinta uu gudbinaayey Adan Xaaji. Waxay ahayd in uu ku sheego maqaalka waxyaabaha aan u qalmin madaxda qaranka ee uu yidhi, waxaanse ka geenwaayey in saaxiibkay ay albaabadii udub ku adkaatay galideedii oo uu usluubkan adeegsaday.Waxaa fiican in dhaliilaha xukuumadda laga sheego aan  laga dhigin mid qof lagu aflagaadeeyey.
 
Marna ma jecli in aan si shakhsi wax uga sheego saaxiibkay Adan oo aan in badan ka wada shaqaynay sidii aan dhaliilaha xukuumadda maanta joogta aan war baahinta ugu soo bandhigi lahayn. Waxanu ahayn aniga iyo Adan xaaji ragii ugu horeyey ee furay saaxadda warbaahinta in wax laga sheego xukuumadda haddii ay tahay gobolka iyo haddii ay tahay ta qarankaba. Waxaanan heshiis ku ahayn in aanaan marna taaban shakhsiyaad ee aan wax ka sheegno positionska (positions but not personalities).Haddaba isbedelkan ku yimid aadan saaxiibkay waxaa wadata siyaasadda xisbiga talada haya ee markii u ku guuldaraystay hanashada dlaka bilaabay in uu dadka xagxagto.
 
Waxaan halkan ku soo bandhigayaa dhacdo aan u joogay oo saaxiibkay Adan Xaaji ku sheegay mar uu yimid wafdi ka socda xisbiga kulmiye oo ahayd guriga Abdiraxman Seylici in taageerada uu haysto xisbiga kulmiye ay tahay 70% imikana waa ka leh taageeradii xisbiga kulmiye way liidata. Waxaan saaxiibkay waydiinayaa anigoo ixtiraamaaya in uu ii sheego daataha uu cuskaday. 
 
Waxaan kale oo aan weydiinayaa adan xaji wadanka ma ku habsatay musuqmaasuq balaadhan iyo wax qabad la’aan ku timid keliya farsama xumo siyaasadeed oo dadkii gaajo uu xididkii u dambayeey dhaqaaqaayo mise wuxuu leeyahay taasi ma jirto oo wadanku xaaladiisu aad ayey u wanaagsantahay oo eedhaas ma jiraan.


This post has been viewed 2096 times.

Categories: OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal