Ahmed Muumin Seed Vs Abdirashid Hassan Mataan.

Waxa Daabacay on Aug 7th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Image result for abdirashid hassan matanImage result for ahmed mumin seedImage result for abdirashid hassan mataanCaalamka iyo aduunkan aynu joogno waxa jira dad siyaasiyiina ama jecel in ay siyaasiyiin noqdaan,  ku waasi oo siyaasadda u gala noocyo iyo sobobo kala duwan. Tusaale ahaan,  dadka qaar ayaa siyaasadda u gala hunguri iyo shaqa doon halka kuwa kalena siyaasadda u galaan mabda’  ay aaminsanyihiin oo ay rabaan inay ka midha dhaliyaan. Halka kuwa kalena u galaan qabyaalad amma in ay reerkooda magac yeelaan.

Waxa kale oo iyaguna jira dad aan siyaasiyiin ahayn balse jecel inay siyaasadda ka faalloodaan aadna u xiiseeya. Haddaba aniga oo ah dadka siyaasada Somaliland aadka u xiiseeya,  mararka qaarkoodna jecel inaan ka faalloodo waxyaalaha aan la yaabo ama indhahayga soo jiita  ayaan maanta jecleystay inaan bal is yara dul taago amma aan is barbardhigo labo siyaasi oo dhinaca Awdal siyaasadda ka soo galay isla markaana xisbiga Waddani oo aan taageero badan u hayo ninba mar ka baxay.

Labadan nin oo aan maanta qalinka u qaatay oo kala ah sida cinwaanka ku qoran Cabdirashiid Xassan Mataan iyo Axmed Muumin Seed waa siyaasiyiin u soo ban baxay inay siyaasadda Khasaare iyo faa’iido,  Cay iyo Amaan, Jab iyo farxad, Guul iyo Guuldaro intaba kala kulmaan, balse aniga oon cay iyo ceeb midkoodna u quudhayn haddana raggu goldaloolooyin  iyo guulaba way udhashaane,  waxan jecelahay bal inaan u dhaa-dhaco ujeeddada aan labadan nin maanta siyaasaddooda  ka faalloodo u xiiseeyay.

Waa marka hore aniga oo faallada  ku soo koobaya  burburkii Udub iyo intii ay jireen xisbiyada Kulimiye Waddani Iyo Ucid iyo kaalmihii ay labadan nin kaga kala jireen siyaasada wakhtigaa  bal aan ku horeeyo  Axmed Muumin Seed.

Axmed Muumin Seed waxa uu ahaa siyaasi Waddani ka tirsan, isaga oo muddo badanna siyaasadda Somaliland ku soo jiray waxa kale oo uu ahaa nin bartay godadka iyo khaanada guusha siyaasada Somaliland lagu qariyo.

Muddadii uu ka midka ahaa waddani  waxa uu ahaa Mr. Seed shaqsi marka uu dhaliisha xukumada u soo fadhiisto dadku dhagaha u raaricin jireen. Waxana uu ahaa nin haddaad taageere u tahay iyo haddii kaleba ay mixnadda siyaasadda iyo xan xanteedu kugu qasbaysay bal inaad dhegaysato.

Hadal cad, ujeeddo cad iyo hiigsi siyaasadeed ayaa gundhig u ahaa Axmed Muumin Seed hab-dhaqankiisa  siyaasadeed waana nin lagu tilmaami karo shaqsi la isku hallayn karo halgan siyaasadeedna lala geli karo, is hor wadna ku wanaagsan hadalladiisuna aanay is dhaaf lahayn,  mawqafkiisuna cad yahay waligiina intii uu ku jiray xisbiga Waddani aanay si badheedha  iskaga hor iman madaxda iyo xubnaha xisbigii uu ka tirsanaa ee Waddani.

Iyada oo ay sidaa tagay ayaa hadana ugu dambayntii Axmed waxa soo food saartay guul daro siyaasadeed  oo ah tii uu kaga baxay xisbiga Waddani  oo aan anigu aaminsanahay inuu ku degdegay, waayo waxa hubaala haddii uu ku sii jiri lahaa kana dhex halgami lahaa xisbiga waddani in xulufadii soo weerartay oo ahayd mid iska Marya Alloola in uu mustaqbalka kaga guulaysan lahaa talada xisbiga balse waxa uu Axmed doorkaa noqday Maroodi shiniyi ku ururtay dabadeedna iska dhacay.

Waxana Axmed haatan ka mid yahay xisbigii uu macaaridka kulul ku ahaanjiray ee Kulmiye.

Balse Su’aashu waxay tahay Axmed Muumin Seed hankiisii siyaasadeed ma waxa uu kusoo koobi aargoosi mise himiladii siyaasadeed uu lahaa ayuu dib u haaban doonaa?

Jawaabtu isaga iyo taageerayaashiisay utaalaa.

Dhinac kale bal aan isdul taagno Cabdirashiid Xassan Mataan.

Cabdirashiid markii uu siyaasada Somaliland soo caga dhigtay waxa uu ku soo dul degay xisbigii Udub muddo yar ka kadina xisbigaasi waxa uu ku burburay moran dhexmaray xulufadii Cabdirashiid oo ahayd mid xisbigaa ku cusbayd iyo ubucdii xisbiga UDUB.

Kadib Cabdirashiid Xassan Mataan iyo shirkaddiisii siyaasaddu waxa ay u wareegeen dhinacaa iyo xisbiga Ucid.

Cabdirashiid muddo badan ayuu xisbigaa ka mid ahaa, laakiin waxa muuqatay muddooyinkii u horeeyayba in kooxdii Cabdirashiid iyo kooxihii Faysal ay isku noqdeen waayeel cay badan iyo caruur caasiya.

Waxana judhii horaba aad dareemaysay in jafaa jiriq siyaasadeed kooxaha oodhan dhexdooda ka jiray. Xataa waxa marmarka qaarkood dhacaysay in Cabdirashiid garabkiisu cagta isla waayayeen.

Tusaale ahaan waxan xasuustaa moran dhex maray Cali Guray iyo Cabdirashii oo labaduba ka wada mid ahaa saraakiishii xisbiga ee garabkii Jamaal hogaaminayay kuwaasi oo ay ahayd in ay kubbadda dhinac u wada lagaan balse mararka qaar goolal dhexdooda ah iska dhalinayay.

Loollan badan oo siyaasadeed oo uu kala kulmay xisbigii ucid kadib, Cabdirashiid Xassan Mataan waxa uu si kadis ah iskaga casilay xilkii uu ka hayey xisbigii Ucid. Wakhtigaasi oo uu saaxiibkii Jamaal Cali Xuseen ku canaantay Cabdirashiid, inaanu la tashan isla markaana uu cidlo kaga cararay dagaalkii Faysal.

Muddo yar kabidb,  Cabdirashiid waxa uu galay xisbiga Waddani oo uu ugu tagay Axmed Muumin Seed iyo siyaasiyiin kale, waxanay halkaa ku kulmeen Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga ee haatan Maxamed Cali. Oo tartan kula jiray Mr. Seed.

Cabdirashiid waxa uu ka badheedhay inuu Maxamed Cali oo ahaa ninkii ay Seed isku hayeen jagada murashaxa madaxweyne ku xigeenka uu garab siiyay isla markaana uu ka hawlgalay inqilaabkii seed.

Hayaankii Axmed Muumin Seed kaga huleelay xisbiga Waddani kadib, waxa in yar kadibba soo baxday  in Cabdirashiid iyo Maxamed Cali ay siyaasaddii ku kala caajiseen ama ay wada socon kari waayeen,  isla markaana, dardartii iyo horumarintii xisbiga ee gobollada galbeedkuna fara dhexdooda ka siibatay.

Xaajo waxa ay socotaba waxa maanta la soo gaadhay in Cabdirashiid xisbigii sadexaad ka hayaamo lamana oga meesha uu bustaha dhiganayo. Balse tuhuno hore iyo xam xam jirta ayaa sheegaysa inuu godkii Axmed galay ee Kulmiye ka daba galayo.

Balse Su’aashu waxay tahay Cabdirashiid xisbiga uu raadinayi toloow waa nuucee? 

Jawaabtu waxay u taalaa Cabdirashiid Xasan Mataan oo kaliya

Afeef cid inaan aflagaadeeyo igama aha balse siyaasiyiinta aan meeshan magacdhabay waa kuwo u qalma in faallo laga qoro markaa hadhibsan hadaad aragto wax aanad jeclayn. Allah Mahad leh

Cabdale Farax Sigad

sigad12345@yahoo.co.uk


This post has been viewed 6590 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress