Aabbe aan maanta kaaga sheekeeyo nolol aad waalid iigu ahayd, balse aan kala qarsoonayn, ( Qaybtii 2aad )

Waxa Daabacay on Jun 26th, 2017 and filed under Daily Somali News, Education, OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Aabbe wax kale maahee, waxan yara xasuustay, dhacdooyin marka aan kaaga sheekeeyo aad ila dareemi doonto. Laakiin wixii aan kuu sheegi lahaaba ma garanayo meel aan kaaga billaabo. Inkasta oo wax kasta oo I soo maray amma inna soo marayba ay I wada hor yaallaan. Oo dhinaca aan ka bilaabaaba uu bilow fiican ii noqonayo. Hase yeeshee, aabbe ma jecli in aan kaa nixiyo amma ku war war geliyo. Waayo dhib iyo naxdin in kugu filan waad soo qaadatay, mana moogi xaalkaaga iyo duruufaha aad nagala soo dabbaalatay iyo adkaysigaaga. Miyaanay aabbe sidaa ahayn?

 

 

Intaa markii ay Maryan aabbeheed ku tidhi, ayaa aabbeheed Cigena hadalkii qaatay oo yidhi, ” Aabbe….inantaydiiyey, carruurtayda tii ugu weyneyd ayaad tahay, jacayl uu waalid ilmihiisa u qabana ka ugu sarreeya ayaan kuu qabaa. Laakiin odhaahahaagu maanta iilama muuqdaan kuwa aan kaaga bartay amma caadiya. Waxanan dareemayaa in aan la sheekaysanayo qof kale oo iga weyn ama iga maskax badan. Haddiise aad sidan u hadal yaqaan tahay maxaan wakhti hore u wada sheekaysan weyney? Uma jeedo in aan ku leehay hadal aqoon kuma moodayn ama si kale…..Maya….adigu khalad ma lihid, aniga ayey ahayd in aan ilmahaygiiyey kula sheekaysto amma wada sheekaysanno, si arrimaha aad maanta igala hadlaysaa ay innoogu fududaadaan. Maantase, waxa ay ila tahay in aanan garanaynba sida aan ahay ama waxa igaga kaa soo bixi”.

 

 

Cige iyo inantiisu weli waxa ay ku sheekaysanayaan socod iyo mar mar ay fadhiisanayaan meelaha fadhiga loogu tala galay ee ku yaalla xadiiqaddan weynaanta badan. Mar marna is hor joog amma is garab socod ayey ku sheekaysanayaan . Dadka hareerahooda marayaana maaha kuwa dhegeysanaya amma ay is garanayaan, qof wal oo xadiiqadda joogaana maanta waxa mashquuliyey tiisa, qoys wal iyo lammaane walbaana dhiniciisa ayuu isku raalli gelinayaa oo ay u wada socdaan. Sidaasi daraaddeed, fursadda ay Maryan-yarey maanta u heshay aabbeheed waa mid ay wakhti badan isku heli karaan. Malaha caawa uun bay gurigii ku hoyan doonaan.

 

 

Sidii ay u wada socdeen, ayaa Maryan mar keliya aabbeheed ka dalbatay in ay barxad hadh qabow hoos fadhiistaan, markii ay fadhiisteenna waxa ay bilowday sheekadii waxana ay tidhi, ” Aabbe, maxaad u malayn haddii aan maanta ku weydiiyo, in ay Hooyo Faadumo i dhashay iyo in kale!  Su’aasha noocaasi ah waxa iga keenay, hab dhaqanka ay Hooyo weligeed igula dhaqmi jirtay, oo aan marnaba iigu muuqan mid hooyonimo. Bal ka warran haddii aan ku idhaa Hooyaday Faadumo weligay kama maqlin iyada oo hooyo I leh. Ereyga ay mar walba iigu yeedhaa waa NAAYAA,  illaa markii aan wax kala gartay ee aan malaha saddex jir ahaa, NAAYAA ayuun bay iigu yeedhi jirtay, mararka qaar aan sii yaraa ayaan moodi jiray magacayga. Midda kale waxa ay hooyaday ii istimaali jirtay sida booyeyso amma jaariyad. Waanan ku khasbanaa in aan yeelo amarkeeda iyo shaqada ay guriga ee ay mar walba ii dirayso. Taasi ayaa iga keentay in aan ku weydiiyo su’aashan qaldan, ee aad aabbe madaxa ka foorarisay.

 

 

Aabbe markii aan yara weynaaday ee aan inanta noqday ( Inanta waxa aan uga jeedo, waad i fahmaysaa ), marna ma helin kaalmadii inani ay uga baahnayd waalidkeed, gaar ahaan hooyadeed. Fulayad aan kalsooni iksu qabi karin ayaan ka dhaxlay habkii ay hooyaday iila dhaqmaysey. Gooni socod ayaan ka noqday gabdhihii filkay ahaa. Waxanan ka biqi jiray in ay I caayaan. Waabay I caayi jireen, oo cadar la’aan iyo is qurxin la’aan ayeyba igu dacaayadayn jireen. Anna Ilaahay uun baa I ogaa, xaalkayga iyo nolosha xun ee ay hooyaday I badday. Si ay hooyaday ka ahaydna ma garanayo illaa immiga. waxana igu badnaa, shakiga aan ka qabo in aanay malaha iba dhalin….aabbe in aan hadalkaa ku damqaya ku cel celiyo ma doonayo, ee iga raalli ahaw. Laakiin waxad iga oggolaataa, in aan maanta kugu neefsado, oo aan iska gooyo xanuun aan muddo dheer la soo noolaa, oo aan ku soo koray. Balse immiga xasuustiisii uuni igu hadhay.

 

 

Maryan oo hadalkeedii sii wadata ayaa odaygii aabbeheed ahaa ku leh, ” Aabbe, ma moogi kaalintii aad waxbarashadayda ka soo qaadatay iyo sidii aad kor ugu soo qaadday maaddooyinkii aan ku dhacay imtixaankii dugsiga sare. Maalin aad I waanisay ayaan kalsooni helay, waxanan waanadaadii iyo dadaalkaagii ku gaadhay in aan guul ka gaadho imtixaannadii aan ku noqday. Guushiina waa taasi maanta aan ku shaqaysanayo. Ma xasuusataa waanadii aad I siisay xilligaasi?

 

 

 

Oday Cige mar kaliya ayuu inantii kor u soo eegay, isaga oo ay indhihii casaadeen sidii uu oohinta isugu celinayey. Haddana ilmadii indhihiisa ayaaba aad u soo da’aysa, hadal uu inantiisii ku celiyana waxa uu hal haleel u helay….aabbe I cafi, oo Ilaahay hortii igu cafi. Danbi ayaan kaa gallay. Oo weliba aan anigu kaa galay, maanta waxan dareemayaa in aanan mas’uuliyaddii waalidnimo ee iga kaa saarraa ka soo bixin. Cashar ayaad ii dhigtay maanta.  haddii aan wakhti hore ogaan lahaa, nolosha aad iiga sheekaynayso, sidaa iigumaad dul akhrideen danbiyadii aan kaa gallay, hooyadaana waa ila mid……hooyo Fadumo iyada ayaa ku dhashay, 9 bilood caloosha kugu sidday, fooshii ay ku dihanaysayna dhib ayey kaala kulantay. Kumana necba, ee ma garanayo sida ay wax yihiin….

 

 

Duq Cige markii uu sidaa ku cataabay, ee ay yartiina mar kale ku dul oyday, ee ay isku dul baroorteen, ayey mar kaliya Maryan boorasadeedii ku hor furtay aabbeheed. Kadibna, waxa ay ka soo saartay buqshad ay lacagi ku jirto, waxana ay aabbeheed guddoonsiisay buqshaddii, iyada oo leh, ” Aabbe lacag ayaa buqshaddan ku jirta, waana mushaharkii iigu horreeyey ee aan ka helo shaqadayda aan bishii hore billaabay. Waxanan go’aansaday in aan lacagtan ku siiyo, waanad iga mutaysatay. Xaalkaagana illaa yaraantaydii ayaan la socdaa. Oo noloshaada waxad u dullaysey sidii aad noo korin lahayd. Xataa waxan ogahay in aanad marnaba awoodin in aad hooyadaa u dirto 100 doller. Halka ay hooyaday bil walba lacago u dirto hooyadeed iyo abtiyaday…..Aabbe adiga ayaa shaqeeya, hooyo ma shaqayso, lacagta ay dawladdu innagu kabtaana waa mid aan ka qoys ahaan leenahay. Maamulkeedana lagaama xigo. Balse, buuqa hooyo iyo kulaylkeeda ayaad wax walba gacanta uga saartay. Maantase anaa ku garab jooga, hooyadayna dulmiyi maayo, weliba waan caawin, oo xaqeeda waan marin. Walaalahay waxa ay tabayaan iyo baahidoodana waan kula garab geli. Ee farxaddaa iyo wanaaggaa aan isku ogaanno. Sheekadaydan iyo wax badan oo kale oo aan kuu sheegi doonaana waxa ay i siinaysaa caafimaad, ee ha u qaadan in aan immiga ku jiro marxalad xun. Hooyana ha u sheegin warkan aan kugu akhriyayo…..

 

Qaybta saddexaad la soco.

 

Ahmedweli Goth


This post has been viewed 9900 times.

Categories: Daily Somali News, Education, OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress